Maraykanka: Shirkadaha Diyaaradaha Oo Cambaareeyay kuwa Hubka

(Toggaherer)-Maraykanka: Shirkadaha Diyaaradaha Oo Cambaareeyay kuwa Hubka.

Ardey dibedbax sameynayso

Labo shariikadood oo diyaaradaha oo ka shaqeeya dalka Maraykanka ah oo la kala yidhaa United iyo Delta ayaa ku biiray ololaha baaaxada leh ee xirirka loogu jarayo midowga shariikadaha hubka ka ganacsada kadib toogashadii lagu dhintay ee iskoolka ku yaala gobolka Florida ka dhacday.

Ururkan hubka ka ganacsada ayaa shirkadaha diyaaradaha ku tilmaamay inay qaaten go’aan fulaynimo ah.

Doodda xakamaynta hubka ayaa waji cusub yeelatay ka dib markii 17 qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacaday iskuul ku yaalla gobolka Florida.

Ardayda iyo waalidiintii caruurtooda lagu laayay iskuulka Florida aya qorshaynaya in maanta ay dhigaan mudaaharaad ka dhacaya magaladda Tallahassee.

Waxaa maalmihi ugu dambayay socday dibadbaxyo lagu dalbanayay xakamaynta hubka Mareykanka.

Madaxwayne Trump ayaa isagu muujiyay sida uu u doonayo in uu gacan ka gaysto xakamaynta hubka

Advertisement

Ku Xayeysiiso