Madaxweyne Kala Muddan Madbacadda Qaranka Iyo HEMABOOKS

Madaxweyne Kala Muddan Madbacadda Qaranka Iyo HEMABOOKS
Somaliland oo ah dal la soo noqday madaxbanaanidiisa 18 may 1991 kii waxa horyaala su’aalo badan oo muhiim u ah mustaqbalka dalkan aan dunidu aqoonsan, ma jecli in aan si balaadhan u dhex galo waydiimaha faraha baddan ee ku geddaaman dalkeena, waxaanse jeclaystay in aan su’aal qudha la waddaago madaxweynaha.

Mudaxweyne marka aad eegto waayaha dalnimadeena iyo dawladnimadeena ku xeeran oo ay ugu wayn tahay faham la’aanta dadkeena ka haysata dawladnimadu waxay tahay, markaad eegto dareenka ganacsatada qaybta manaxayaasha ah een waxba diidayn xitaa haddii cusbitaalka guud ee Hargeysa, iskuulada dawladda iyo muusa jaamaca laga iibiyo, markaad eegto burburka ku socda qaab dhismeedkii guud ee bulshada oo ay calaamad u tahay tusbax furanka ku dhacay tiradii hogaan dhaqameedka, madaxweyne markaad eegto boobka loo geystay wax wada lahaanshihii oo inta shirkaddo dad gaar ahi leeyihiin magacyo loola baxay lagu waydeeyey ama loo nugleeyay kuwii qaranku wada lahaa.

Madaxweyne dhiig baxa ku socday dawladnimadeena dhawrkii sano ee la soo dhaafay oo ilaa imika arrimaha qaar taagan yihiin sida heshiiska aan madbacadda qaranka waxba laga waydiin ee manhajkii umadda nin wasiir ahaa ugu gacan galiyey shirkada HEMA BOOKS, runtii waxay ahayd arrin aan ku qurux badnayn dawladnimada waxay ahayd arrin muujinaysay in dawladdu dhexdeeda ka dagaalamaysay oo wada shaqayntii iyo isku xidhnaantii xukuumadu maqnaa.

Madaxweyne, waxaan tallo ahaan u soo jeedin lahaa in aad culayska saarto sidii aad u dhisi lahayd hay’addo dawli ah oon magac uun ahayne xaqiiqo ahaan u shaqaynaya (establishment of functional public institutions), si meesha ay uga baxaan shirkadaha aan dal iyo dad toona ka naxayn ee sahlaya in masuul kasta oo musuq maagane ahiba ku xoola qarsado, ugu danbayn si loo helo wadajirka bulshada waa in la kobciyaa hayaddaha dawladda ee lawada leeyahay oonay dhicin in wasiir aad amaano u dhiibtay oo adiga kaa wakiil ahi uu xilka la ambado oo sidii hore u dhacday oo kale ay isugu mid noqdaan HEMABOOKS IYO MADBACADDII MAGACA QARANKA HUWANAYD EE UMADDU WADDA LAHAYD. Guul baan kuu rajaynayaa idamka alle, waxa ku horyaala hawlo culculus illaahay u tallo saaro, waan kuu ducaynaynaa waxaanan kuu rajaynayaa haddi alle yidhaa muddo xileedkaaga in lagugu xasuusan doono dib u soo celinta kalsoonidii shacbigu ku qabeen dawladnimada (Public trust) shan sano oo xaqsoor ah madaxweyne haddal yar, hawl baddan iyo hubsiimo ayaa inoo balan ah.

Gobanimo adaa mudan galaddana alleyska leh
Qalinkii: Eng Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
Governance002@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso