Hargaysa Oo Noqoty Magaalo La Mataana Ah Marinka Qaza

Hargaysa Oo Noqoty Magaalo La Mataana Ah Marinka Qaza
Hargaysa waxay la daalaadhacaysay rubuc qarnigii u danbeeyay dhibaatooyin farabadan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaheedii oo la lunsaday maamul xubo baahsaan oo sare ilaa hoose ah islamar ahaantaana cidii kasta ee loo doortaa noqdaan kuwo danahooda uun ka raacda, bulshadii soo doortayna ay noqdeen kuwo ku caana malay musuqmaasuqa iyo hantidooda la booboo oo wado cad laga mariyo amaba waxay ku helilahaayeen sharci ka doorbida inay sharcidarro ku bixiyaan
Hadaba maanta hargaysi waxay noqotay caasimadii abid ugu golaha deegaanka xumayd inta taarikhdeeda la hubo maanta maalin ay ka xildhibaano liidato ma jirto taasna waxaa ku cadayn ah caasimadii maanta halkay marayso indhahaa lagu wada hayaa wax wax qababada oo loo qabtay ma jirto ku loo soo wadaana ma jirto hadaan tusaale idin tuso bal ufiirsada shaaricyada ama wadooyinka waawayn ee magaalada hargaysa waxaa qashin daadsan camuuda ka buuxda waxaad moodaa dooxii oo soo guuray , habeenkiina madawga ka muuqda waad ka naxaysa isma odhacysid tani marbay caasimad ahayd
Intaa waxaa kusii raacada hargaysi waxay la mataana noqotay marrinka qasa waayo marika qasa had iyo jeer cagaf ayaa ku jirta oo guryo iyo ganacsiyo shaqaynaya la galinayaa iyadoon loo aabo yeelayn,hargaysina sidaasi oo kale ayay noqotay oo cagaf ayaa lagalinaya dad danyar ah oo nolol maalmeedkoodii la soo baxaaya islamar ahaantaana aan waxba loo qorshaynin loona samayn suuqyo ay ku ganacsadaan ayaa hantidoodii laga bur burinayaa wax magdhaw ahna aan la siinayn kasii dararnta bari kadib iyagii oo halkii fadhiya ayaa cashuur laga qaadayaa markee ayay waalan yihiin dawalada hoose ma marka ay cagafta ay galinayaan mise marka ay cashuurta ka qaadayaan

Waxaa wax laga xumado ah qofka wado taagan sharciga dhigaaya cashuur ka qaad waa kee dib haloogu noqdo sharciga ururinta cashuuraha ee dowaladaha hoose, waliba dawlada hoose ee hargaysa,, maayarka caasimaduna dhinac ayuu ka raran yahay waayo waxaa xaqiiq ah suuqa gobonimo dib u dhis ayaa ka socda kan shiraaqle iyo callimataana cagaf ayaa ku jirta oo sidii falastiiniyiintii ayaa ganacsiyo shaqaynaya la duminayaa ee marikii Qaza maxay dhaanta xukuumadiii iyo madaxwaynihiiba indhaha ayay ka qarsanayaan cid wax odhanaysaana ma jirto
Sidaasi hadii umadu ku sii jirto oo aan wax laga qaban ama aan dawladu soo fara gashan umalayn mayo in ay soo faragashanaysee waxay ku danbay uun tii TUUNIS ka dhacday

Qore: Axmed Carafaad
Email:axmedcali144@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso