Duqaymo Wali Ka Socda Suuriya Xilli Golaha Ammaanka Ay Xabad Joojin Ansixiyeen

(Toggaherer)-Duqaymo Wali Ka Socda Suuriya Xilli Golaha Ammaanka Ay Xabad Joojin Ansixiyeen.

Duqaymaha ay dowladda Suuriya ku hayso goobaha ay mucaaradka haystaan ayaa wali sii socta, iyada oo ay jirto in golaha ammaanka ay ansixiyeen xabad joojin Jimcihii.

Xaaladda bariga Ghouta ayaa ah mid cakiran

Boqolaal qof ayaa ku dhintay toddobaad ay duqaymo ka dhacayeen bariga Ghouta.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay 30 maalmood oo xabad joojin ah oo laga hirgaliyo Suuriya.

Labada kooxood ee ugu waawayn falaagada Suuriya ee gacanta ku haysa bariga Ghouta ayaa soo dhaweeyey qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay soo saaray ee ku baaqaya in Suuriya oo dhan laga dhaqan geliyo xabad joojin aadamenimo oo soddon maalmood ah.

Labada kooxood waxay ballan qaadeen in ay ilaalin doonaan kolonyooyinka gargaarka sida ee geli doona goobtaa go’doonsan ee ku taal bariga magaalada Dimishiq.

Maanta oo Axad ah kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa waxay sheegeen in duqaymaha dowladda ay ka dhaceen goobaha mucaaradka ka dib markii qaraarka xabad joojinta la isku raacay.

Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weeraradan igu dambeeyay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso