Bilyaneer Yuhuudi-Maraykan ah oo soo bandhigay maaliyada Loogu Raraaryo Safaaradda Mareykanka Qudus La haysto..

Maamulka Mareykanka ayaa ka fikiraya soo bandhigida Bilyaneerka Yuhuudi Mareykan-ka ah ee Sheldon Adelson, kaas oo doonayay inuu maalgaliyo qayb ka mid ah kharashka safaarada maraykanka ee laga raraayo Tel Aviv loona raraaryo Qudus-ta la haysto, sida ay u sheegeen xubnaha shaqaalaha safaaradu Associated Press.

Sida laga soo xigtay xogta la helay afar shaqaalaha maraykan ah, ganacsadaha Maraykan ah Edelson ee 84 sano jirka ah, ayaa muujiyay rabitaankiisa si loo hubiyo farqiga u dhexeeya kharashka rarida safaaradda, kaas oo laga yaabo inuu gaadhayo boqolaal malyan oo doolar.

Washington waxay ka fekereysaa inay ururiso dalbatana Tabarucaad kaliya maaha Adelson, laakiin waxay ka dalbanayaan Yuhuudda kale ee reer Mareykan iyo Masiixiyiinta u janjeedha dhinaca Yuhuuda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso