Netanyahu ayaa uga mahad celiyay “Trump” go’aankiisa uu uga furayo Safaaradda Mareykanka bishii May Magaalada Qudus


Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu fureyey safaarada Dalkiisa magaalada Qudus Xuska “70-guuradii aasaaska Israel”, waxana uu uga mahadceliyay Trump “hogaamin iyo saaxiibtinimo.”

“Madaxwaynaha Trump ayaa go’aansaday in safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loo raro magaalada Jerusalem ay noqon doonto maalinta madax-bannaanida, ku dhawaaqistii taariikhida ahayd ee bisha December uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israel,” ayuu Netanyahu ku yidhi hadal uu soo saaray Jimcihii.

“Go’aankan wuxuu calaamadeynayaa sannad-guuradii 70-aad ee madax-banaanida Israel ee damaashaad aad u weyn, waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Trump oo hogaaminaya saaxiibtinimada ,” ayuu yidhi Netanyahu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso