Kacdoonkii Ardeyda iyo Kaalintii UFFO-Axmed Muxumed Madar

Kacdoonkii Ardeyda iyo Kaalintii UFO

Axmed Muxmumed Madar

 

Bahda Mareegta Farshaxan

Febraayo 20, 2018

Hordhac :

Waa maalin  ay bishu ku beegnayd 20 Febraayo ee gu’gii 2013kii. Waagii  baa  baryey oo qof waliba danihiisa ayuu ku  faafey . Maalinta waxaa la  xusayaa maalin qiimo leh. Ummadu maalmahaa waxay  u dhago taageysay waxay dawladii xilligaasi  uga qorsheysan maalintan mudan. Waxaa sidoo kale jiray koox ay xukuumadaasi dhabarka ka taabatey  oo wadey qorshe  lagu  marin habaabinayo mudnaanta maalintan 20ka Febraayo. Si kastaba  ha u dhacdee dadkii aan sooyaalka ummada wax kala socon, koox  dareensaneyd  waxa jira  danahooga gaarka ahse ka raacey iyo xukuumadii oo madaxweynihii hore ee  Axmed Maxamed Siilaanyo hogaaminayo  ayaa u qulqulay dhinaca Hudheelka Maansoor. Waxaa maalintii dhalinyarada lagu boqno gooyey barnaamij lagu xusayey 100 qof oo la yidhi waxaa loo aqoonsadey Haldoorka ummada.

Yaab!!!  Maxaa maalintaaa barnaamijkaasi maba xumee loola doontey?. Waxaa barnaamijkaa lagu siiyey qandaraas  oo ahaa gudoomiyaha barnaamijkaa Rashiid Sulub Caalin.  Ka madhnaanta sooyaalka ummadeed dhibtiisuu leeyahayee, Rashiid dugsiga sare markuu ka baxey ayuu u wareegay magaalada Muqdisho in badan ayey indhihiisu qabteen taalada Dhagaxtuur , dhagahiisuna ay maqleen ka waranka taalada Dhagaxtuur. Itaalkiisa maalinta Dhagaxtuurka Hargeysa iyo taaladaaa ayuu  xidhiidh ka dhexeeysiiyey. Hase yeeshee xukuumada jirtey badheedh bay ka aheyd inay maalintaa boqno-goyse oo  si aan barnaamij loo hirgelin ayey 20ka  Febraayo ee gu’gii 2013kii    qandaraas ku siiyen Rashiid Sulub inuu  shahaado siiyo boqolka Haldoor , halka Farduus Dirirna ay soo bandhigtay  21ka  Febraayo ee gu’gii 2013kii  barnaamijkii Afka Soomaaliga. Ma isla doonashaa mise waa go’aan  loo badheedhay?!!! Taa waxaa ka sii daran in Rashiid Sulub uu madaxweynihii Axmed Maxamed Siilaanyo ka dalbadey in 20ka  Febraayo loo qoondeeyo maalinta danta guud! Ka daroo dibbi dhal ma la maqli jirey!!!

Hadda u fiirso akhriste oo gu’ danbe labadaa xafladood lama qaban.Waxaa maalintaa sida laga yeelay u dulqaadan waayey  dad badan oo xataa qaar lagu darey Haldoorku aaney iman xafladaa. Haddaba  dadka tirada lahaa ee arkey sida loo boqno goynayo sooyaalka ummada ayaa cod dheer ku qayliyey,Dhiiranaantaa ay dadku yeesheen ee ay ka biyo-diideen waxay keentay in gu’yaashi ka danbeeyey si qurux badan loo xuso maalintaa dhalinyarada Soomaalialnd.  Waxaana dadkaa ka mid ahaa Axmed Muxumed Madar oo waliba ka tirsanaa xukuumadaa, kana ahaa gudoomiyaha Hay’ada Maamul-Wanaaga iyo Musuqmaasuq la dagaalanka.

Axmed Muxumed Madar oo u waramayey wargeysa afka xukuumada ku hadla ee Dawan ayaa yidhi: “hadalkaasi ka soo yeedhay Rashiid Sulub Caalin, waa  mid meel ka dhac ku noqonaysa umadda Somaliland, isla markaana aanay suurtogal ahayn in maalin qaranka ugu astaysan maalin wayn oo taariikhi ah si fudud loogu bedelo maalin uu shaqsi wax qiimeeyay”.

Isagoo Axmed Muxumed Madar sii wata hadalkiis ayuu yidhi : “waxa laga dalbaday oo laga codsadey   madaxweynaha Soomaaliland- Axmed Maxamed Siilaanyo- in maalinta 20ka  Febraayo  loo bixiyo maalintii danta guud, iyada oo ah maalintii dhalinyarada Somaliland.Taasi macquul ma noqonayso,  haddii la doonayo in maalin cusub oo taariikhi ah la sameeyo in maalmaha kale ee jira looga meel dayo maxaa u diidaya ,  maalintan 20ka  Febraayo waxay  ku astaysan tahay maalin qaran oo u taagan halgankii dalka lagu xoreeyay .Waxaa  nasiib daro ah in qof si shaqsi ah wax u qiimeeyay uu codsado in lagu bedelo”.

Barnaamijyadaa lagu sameeyey hudheelka Maansoor aad ayey u damaqdey Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa dadka ay  maalintaasi si gaar ah u taabaneyso, garanayana   inay aheyd dhinbiishii hurisay  halgalkii dibu xoreynta Soomaaliland. Axmed  Muxumed Madar wuxuu ku sii ladhey hadalkiisa ““Marka laga hadlayo qiimayn ee lagu astayanayo taariikh waxaa muhiim ah in maalmaha Illaahay way fara badan yihiin ee in loo meel dayo taariikhda cusub ee la bilaabayo, oo maalmaha kale looga meel dayo.Maalin jirta oo maalin qaran ah oo ku suntan halgankii dalkan lagu xoreeyay ee dhiiga iyo maalba loo huray in iyada oo la leeyahay waxbaa la qiimaynayaa iyadii la ilaabo oo wax ka fudud la siiyo maalintii, ama la codsado in halgankii ummadu ay lahayd ee ay u soo burburtay la yidhaahdo ha laga bedelo magacii oo ha loo bixiyo waxqabad ay shaqsiyado sameeyeen.Waxaan u arkaa in aanay qiimayni ku jirin, waxa iska hor imanayaa wixii aynu qiimaynaynay oo tii waynayd ayaynu qiima tiraynaa, arrintaasi waa mid aad iyo aad looga xumaado”

Isku soo dabbaaloo                       Inta daallin iyo tuugDocda ugu shirayaan               Dawadeeda lama helo                       Durkiyee an dhaafee

Maansadii Durkiyee  aan dhaafee, Abwaan Xasan Cilmi Diiriye,

Gu’gan 2018, bahda mareegaha Farshaxan waxay go’aansatey sidii u  hab-dhaqanka aheyd inay mid  ka mid ah haldooradii maalintaa  bulshada la wadaagto sooyaalkiisa  nololeed iyo halgameed.

Xukuumad kasta oo timaada  waxtarkeeda iyo waxyeeladeeda way leedahay. Hase yeeshee xukuumadaha ka dhasha Soomaaliland ka dib 1991kii waxay kaga duwan yihiin xukuumadii hore ee ka jirtey dalkii  Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya  la isku odhan jiray in Xukuumada Soomaaliland ay ka taliso dal u gaar ah oo  dib u hantiyey  Maandeeq halgan dheer dabadeed. Haddaba xukuumadaha Soomaaliland marka la dhaliilalyo waa toosin iyo talo-sheeg ay hogaaminayaan Xisbiyada Qaranka ee Mucaaridku.

Bishan  aynu ku jirno ee Febraayo 20ka ee gu’gan 2018ka ayaa   ururka dhalinyarada ee Sonyo soo qaban qaabiyey xaflad lagu xusayo kacdoonkii ardeyda  iyo kaalintii UFFO ee  gu’gii 1982kii.  Maalintaasi  Febraayo 20ka  ayaa aheyd  dhimbiishii hurisay halgankii dib loogu hantiyey Maandeeq gu’gii 1991kii , bishii May 18keedii. Waxaa xafladaa ka soo qayb galey  dhalinyarada reer Soomaaliland oo hogaankaba u hayey hab-socodka  golahaasi, bulshada reer Soomaaliland iyo Xukuumada Soomaaliland oo  uu horkacayo madaxwyene Muuse Biixi Cabdi.

 

La Soco qaybaha  kale..

Diyaarintii iyo Qalinkii

Fu’aad Sheekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso