Daawo-Wareysi Xiiso Badan:Run Ahaantii Arrinkii Sicirbararku Wali waa Taagan Yahay ,Oo Mudadii Xukuumadu U Qabatyna Zaad iyo E-Dahanb-ka wax yarbaa ka Hadhsan-Xil -khadar Xuseen Sahal.

(Toggaherer)-Wareysi Xiiso Badan:Run Ahaantii Arrinkii Sicirbararku Wali waa Taagan Yahay ,Oo Mudadii Xukuumadu UQabatyna Zaad iyo E-Dahanb-ka wax yarbaa ka Hadhsan-Xil -khadar Xuseen Sahal.

Marka ugu Horeysa arrinkii sicirbararka waa uu taagan yahay ,mudadii ay xukuumadan madaxweynaha ka yahay Muude Biixi Cabdi ay u qabatay in Arrimaha sicirbararka wax lagaga qabto ,gaar ahaana qaybta Electronicga ah lacagta zaadka iyo E-Dahabka oo mudadii loo qabtay ee shan iyo afartanka wax yarbaa ka hadsan ,waxaanan dadkeena ka wacyigalinayaa oo aan doonaayo in aan u sheego in lacagtooda shilinka somaliland daacad u noqdaan ,oo ay lacagtii daacad u noqdaan oo ay lacagtoodii shilinka somaliland isticmaalaan oo iyaga dan uma aha in lacagtan Dollarka ahi,waxaana u dan ah shilinkooda Somaliland oo qiimo fiican yeesha.

Dadkeena waxaad moodaa wali kii Baska raacayaayey ,kii wax baalshaysanaayey wali zaadka ayey isticmaalayaan ,waxaanan leeyahay sidii aad ubataraan sidii shilinkeedu qiimo u yeelan lahaa in aad ka sii foojignaataan oo lacagtiina shilinka somaliland jeebabka ku qaadataan,isagoo sariflihii idiin joogo oo lacagtina iska sarifataan oo shilinkiina somaliland qiimo u yeeshaan.

Qododbka labaad dadkii soo galootiga ahaa waxaad moodaa in ay maalinba maalinba ka dambaysa in ay sii badanayaan dadkeenii shhaqooyinkaasi garanaayeyna haddii ay tahay shaqooyinka ugu  hooseyaba ,hadii ay tahay rayislayaasha oo kale itoobiyaan ayaaba meel walba  haysta  ,waxaana jeclahay arrintaasi dadkaasi Ajaanibka ah ee dalka ku soo badanaya in wasaarada shaqogalinta iyo arrimaha Bulshada iyo wasaarada Arrimaha Guduhu iyoagoo iskaashanaya ay siyaasad cad uga yeelan lahaayeen oo dadkaasi ajanibiga ah ee dalka ku soo badanaya wax looga qaban lahaa ,iaydoo dadkeenii muwaadiniinta ah ee shaqooyinkaasi garanaayey ay iska tuban yihiin ayaan labadaasi wasaaradood u sheegi lahaa.

Mar -aanu xildhibaan khadar xuseen sahal oo ka mid ah mudanayaasha aqalka Golaha Guurtida Somaliland wax ka waydiinay sidii Bushadeena loogu wacyigalin lahaa Barnaamijyada iskaa wax u qabto ah -ayaa waxaa uu mudanuhuu kaga jawaabaysidan:

Su-aashaasi waa su-aal aad iyo aad u muhiima waxaana baryihii hore wax badan lagu dhisay waxyaabo badan ,iskaa wax uqabso waxa weeyi adigu markaad tahay shaqsi somalilander ah oo muwaadin ah in aad garatid in uu waajibaad kaa saaran yahay in qarankeena somaliland uu xil kaa saaran yahay oo aad wax la qabatid,maantana waxaanu u baahanayah jeelashoo kale in lagu dhiso oo kii lacag keenaya ,kii xoog keenaya ,oo waxyaabo badan ayeynu samaysan kari alahayn oo waxaynu samaysan kari lahayn dhaamam,jeelal,iskuulo ,markay shacabkeenu yidhaahdaa wado ayaanu samaysanaynaa in xukuumaduna waxa la gudboon ee kaga soo gudboonaada way la qabanaysaa.

Daawo- wareysigaaso Oo Dhammaystiran:

Daawo-

Advertisement

Ku Xayeysiiso