“Boko Haram” oo 111 Hablo dhallinyaro ah ka afduubtay dugsi hablood ku yaal Nigeria


Kooxda argagixisada ee Boko Haram ayaa afduubatay 111 hablood intii lagu jiray weerar argagixiso oo ka dhacay iskuul ku yaalla gobolka Nigeria ee Yobe, wargeyska maxalliga ah ee PM News ayaa sheegay.

Macluumaadka ku saabsan tirada ardayda la qafaashay ee hablaha ah ayaa iska hor imanaya qaar ayaa sheegaya in ay ahaayeen 50 hablood, halka kuwa kalena ay sheegayaan in tiradaasi ay ka badnayd 100.

Dawladda gobolka ayaa ku dhawaaqday Arbacadii in ciidanku ay soo badbaadiyeen habalahaa, laakiin guddoomiyaha gobolka Yubei ayaa sheegay in 69 arday oo la sheegay in laga soo badbaadiyay kooxda xagjirka ah ee Boko Haram weli aysan muuqan.

Niger, Cameroon iyo Chad ayaa wada hawlgal militeri oo ka dhan ah kooxdaas, kuwaas oo qaada weerarro argagixiso oo ay ku dhinteen dhibanayaal badan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso