Gartay aan isaqoonsano waxanse garan waayay kula lihi..Q.2aad

 

Waa qaybtii labaad oo aan ku iftiimin doono shirarkii lagu qabtay Turkiga.Wada hadalada JSL iyo dawlad ku sheega Federaalka Somaliya waxaan rumaysanahay gebi ahaan-ba inaanay waafaq-sanayn danahii siyaasadeed ee ay JSL ka lahayd oo ahayd inay 2bada dal isaqoonsadaan balse waxa dhacay qaladkii 2aad ee ka soo baxa 10kii qodob ee ay ku heshiiyeen.Ugu horayn labada dhinac waxa u kala saxeexay wasiirkii arimaha dibada ee JSL Md.Maxamed Cabdillaahi iyo wasiirkii arimaha gudaha ee federal ku sheega Somaliya C/kariim Xuseen. Halkaa waxa ku cad siyaasadii ay dabada ka wadeen ee reer galbeedka iyo Federal ku sheega Somaliya ee midnimada inay JSL aqbashay sababtuna maadaama wasiirkii arimaha gudaha ee DFS uu la saxeexay heshiiska wasiirka arimaha dibada ee JSL..Taasi waxay ku salays-nayd jsl inay tahay gobol ka mid ah federalka Somaliya.Waxaanay ahayd inay shirka halkaa kaga baxaan,wada hadaladana iyo heshiisyadana 2da wasiir ee arimaha dibadu ama 2da madaxweyne wada saxeexaan heshiiska.

Qaladka 3aad ee shirarkaa ka soo baxay aqbashayna JSL waxuu ahaa wada lahaanshaha maamulka hawada oo ay xaruntu noqoto

Hargeysa! JSL may ahayn inay aqbalaan maadaama ay dal madaxbanaan yahay.Sidee wax loo wada yeelan karaa? Sidee maamul uga wada dhexayn karaa? Weli waxa cad gobolnimada ay DFS rumaysantahay JSL inay tahay gobol ka mid ah.

Bal hada dhinaca kalena aan ka bidhaamiyo oo aan gibisha awrka ka rogo.Dal haduu madaxbanaan yahay waa inay siyaasadiisu gaar u ahaataa, xidhiidhka dibadana waa inuu gaar u ahaadaa oo aanu dal kale u daba fadhiisan.Markay sidaa tahay waxa la yaab leh dalkan jsl ee madaxbanaanideeda kala soo noqotay somali-talyaaniga Xamar ee hadana ku haysata safiirada ay dawladaha shisheeye u dirsadaan DFS ku sheega! JSL maxay ugula jeedaa markay leedahay safiirka Turkiga ama ingriiska ama qaramada midoobay ee u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland? Miyaanay tilmaamayn jsl inay isku cadaynayso gobolnimada? Hada ogow qunsulka safaarada Turkiga ee Xamar waxuu fadhiyaa Hargeysa! Tanina miyaanay ahayn jsl inay aqbashay gobolnimada? Arimahaasi miyaanay ahayn kula lihi? Maxaa jsl ku qasbaaya inay food saar ka dhigato dawlad isku sheega federalka Somaliya? Qaloocan siyaasadeed sixitaan kooda waxa looga fadhiyaa dawlada cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne muse biixi cabdi.

La Soco qaybaha danbe…

 

Allaa Mahad Leh.

Xuseen Xasan BADMAAX

Hargeysa/JSL

4026100

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso