Boqolaal Maxaabiis Ah Oo laga Sii Daayay xabsiga dhexe ee Jigjiga.

(Toggaherer)-Boqolaal Maxaabiis Ah Oo laga Sii Daayay xabsiga dhexe ee Jigjiga.

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xabsiga ka sii daayay maxaabiis kor u dhaafaysa 1500.

Qaar ka mid ah maxaabiista oo ka qeyb galay kulan markii la sii daayay

Waxaa ka mid ah maxaaabiista la sii daayay kuwa u xirnaa arrimo siyaasadeed iyo kuwa loo xiray inay ka tirsanaayeen jabhadda ONLF.

BBc
Image captionQaar ka mid ah qaraabda maxaabiista

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda dhexe ee Itoobiya ay dhawaan xabsiga Addis Ababa ka sii daysay maxaabiis u xirxirnaa dhanka siyaasadda.

Balse madaxweynaha deeganka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa BBC-da u sheegay in ‘cafinta maxaabiistan ay shqo ku lahayn waxa ka socdoa itoobiyada kale”.

”Sanad kasta waan sameynaa, cafin bas ah ma ahan oo xitaa sahqo abuur ayaan u sameyn doonaa dadkan, si ay noloshooda ugu filnaadaan’, ayuu yiri’ madaxweynuhu.

Dalka Itoobiya saddexdii sano ee ugu dambaysay waxaa ka socday dibadbaxyo qaarkood rabshado watay oo looga so horjeedo dowladda.

Dibadbaxaydan oo intooda badan ka dhacay gobolada Amxaarada iyo Oramada ayaa waxaa lagu dalbanayay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaaale.

Maalmo ka hor ayay dowladda Itoobiya soo rogtay xaalad deg deg ah oo socon doonto muddo lix bilood ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso