Xiisada muranka arimaha shidaal baadhista Gobolka Saaxil oo cirka isku shareeray. Qalinkii A/Rahman fidhinle

Shirkada ugu dhulka balaadhan ee dhawaan howlgalada sahaminta shidaalka dalka ka bilowday ee dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen boodhka ku liqday waa shirkada cusub ee BGP ( China National Petroleum Company ) taas oo laga leeyahay dalka China. Shirkadan waxaa liisan loo siiyey in ay baadho oo sahamiso dhul baaxadiisu dhan tahay 700 km oo ay ka mid yihiin Block SL-09 iyo Block SL-12 oo dhaca Gobolka Saaxil.Waxaana Xukuumadii hore ee dalka boobtay heshiis la saxeexatay shirkadan taariikhdu markay aheyd 19/9/2016.

Waxaa shacabka Somaliland ogyihiin musuq-maasuqii iyo qabyaaladii la dhex-dhigay habsami usocodkii hanaankii maamul ee hawgaladii sahaminta shidaalka ee shirkadii Genel Energy ka waday Gobolka Saraar sanadkii 2013, taa soo markii shacabkii degaanadu ay ogaadeen in mashaariicdii sahaminta shidaalka lagu dul qaybsaday ay shacabkii degaanku gadoodeen kadibna ay nabadgelyadii aaga baadhitaanka khal-khaliyeen kadibna shirkadii dalka deg-deg uga baxday. Maantana xaaladaa mid la mid ah ayaa looga baqanayaa in ay ka dhacdo gobolka Saaxil, hadii aan la sixin sifaha uu u wado wasiirka macdanta iyo tamartu mashruuca sahaminta shidaalka ee gobolka saaxil.

iyadoo ay hawl-wadeenada hawlgalada shidaal baadhista wasaaradu markii horeba dhinac ka rarnaa ayuu Wasiirku tababaradii, qandaraasyadii iyo shaqaaleysiintii shaqaalaha xirfadlayaasha ah ee hawsha sahaminta Saaxil wadi lahaa uu hadana weecsin iyo beegsin ka sii dhigay dhegahana ka fureystay waxgaradkii iyo saladiintii ka soo jeeday sohdimaha degaan ee uu saameynaayo mashruuca sahaminta shidaalka ee Gobolka Saaxil.

Wasiirka Macdanta iyo tamartu wuxuu u badheedhay in uu Siyaasadeeyo oo musuq-maasuqo mashuruucii sahaminta shidaalka ee gobolka Saaxil degaanadiisa loo qoondeeyey in lagu sameeyo sahaminta nooca loo yaqaan Seismic oo ah sahamin loo isticmaalo baabuur waaweyn oo dhulka kaga gariirisa macluumaadka ay ururinayaan Baabuurtaasina ay kaydin doonaan sii iibin karaan shirkadaasi wixii kheyraad ah ee ay degaanadaa ka helaan shidaal ama macdan kale ha noqotee.

Aagaga baadhitaanada degaanada gobolka saaxil ee ruqsada sahaminta shidaalka iyo macdanta loo qaatay ayaa ah degaan aad u balaadhan oo ay ku yaaliin Tuulooyin gaadhaya ilaa 25 tuulo oo ka wada tirsan gobolka Saaxil, 17 mid ah Tuulooyinkaa waxaa dega beelaha Ciise muse. 5 Tuulana waxaa dega beelaha Habarjeclo, 3 Tuulana beelaha Cabdale- Arab, Sidaa daraadeed waxaa Wasiirka looga fadhiyaa in uu tababarada, qandaraasyada, shaqaalaha xirfadleyaasha iyo dalabyada adeega bulshadaba in uu beelahaa ugu qaybiyo sife daahfuran oo sinaan iyo cadaaladi ku dheehan tahay isaga oo tix gelinaaya beel kasta oo degta Aagaga degaanadaas ay howlgalada baadhitaanadu ka socoto..

Talooyin ku socda Wasaaradda macdanta iyo tamarta somaliland .

1- Waa in wacyi gelin mug leh laga sameeyaa dhamaan degaanada laga baadhayo shidaalka si loo sugo amniga
2- Waa in tixgelin dheeraad ah la siiyaa dadka degaanka oo ceelal biyood loo qodaa si ay usaacidaan sahaminta.
3- Waa in shaqooyinka iyo qandaraasyadaba sife xaqsoor ah loogu qaybiyaa muruqmaalka beelaha degaanada.
4- Waa in aan dhirta la baabiin oo aan lagu talax tegin maadaama 8 baabuur oo waayeyn loo isticmaalaayo halwgalada baadhitaanka shidaalka ee degaanadaas.
5- Waa in dadka degaanka loo sheegaa in hadii shidaal dhulka laga helo in shirkado kale oo qoda laga kireynaayo aagaga wax laga helay si ay ula socdaan mustabalka anfaca ka soo bixi doona degaanadooda.
6- Waa in wasaaradu la timaadaa hanaan sharci oo damaanad qaadaya xuuqda dadka iyo duunyada sufurta iyo siigada degaankooda lagu liqaayo ee dhirtoodii oo aan markii horeba badneyn lagu waxyeelaynaayo..
7-Waa in mashruuca lagu maamulaa daahfurnaan iyo wada tashi buuxa oo lala yeesho waxgaradka gobolka si laysula jaanqaado oo laysugu wado Siyaasada dawlada iyo dadka degaanka.
8- Waa in mashruuca laga xakameeyaa xeeladaha siyaasadeed ee beeleysan si aanay udhicisoobin habsami usocodka hanaanka maamul ee mashruucu.

Guntii iyo Gebagebadii qormadam: Waxaa la wada ogyahay in Labada Block ee SL-09 iyo Block SL-12 ay labaduba dhacaan dhul sanado hore dhowr jeer la sahamiyey ka dibna lagu calaamadeeyey ” Keyd Shidaal ” dhulkaas oo hada diyaar u ah wax soo saar shidaal, sidaa daraadeed waxaa Wasiirka la gudboon in uu si toos ah shacabka degaanadaa uu ugu balan qaado dhowritaanka degaanada iyo dalabka adeegyada bulshada sida caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada..

Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso