Trump oo soo Jeediyey in la Hubeeyo Macalimiinta!!!


Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in macallimiinta iskuulada la hubeeyo si ay uga hortagaan xasuuq sida kii ka dhacay dugsiga sare ee Florida todobaadkii la soo dhaafay markii nin hubaysan uu rasaas ku furay, kaas oo dilay 17 qof.

Trump ayaa ka dhawaajiyay taageerada fikraddan ka dib kulanka Aqalka Cad ku dhex maray Ardaydii ka badbaaday toogashadii iyo aabo inantiisii ku waayay dhacdada.

Trump ayaa qiray in fikradu ay kicin doonto Muran iyo dood laakiin wuxuu yidhi, “Haddii macallin si fiicn u isticmaali kara qoryaha, markiiba si dhakhso ah ayuu u dhameyn karaa weerarka.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso