Madaxweyne Biixi oo magacaabay todoba masuul cusub maxkamada iyo xeer ilaalinta Ciidamada.

Taariikh: 22/02/2018
WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-44/022018, uu ku magacaabay todoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse Xasan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
2. Gaashaanle Sare, Siciid Xasan Maxamed Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
3. Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud Guuleed Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari
4. Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan Carraale Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
5. Gaashaanle, Yaasiin X. Cali Maxamuud Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
6. Gaashaanle Dhexe, Fu’aad Raage Maxamed Xirsi Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka
7. Gaashaanle, Khadar Cali Maxamuud Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka

[

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen, isla markaana waxaan farayaa in ay ku noqdaan Talisyada Ciidan ee ay ka tirsan-yihiin.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso