Laba Askari Oo Faransiis ah oo lagu Dilay Qarax ka dhacay Mali


Laba askari oo Faransiis ah ayaa lagu dilay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay waqooyi galbeedka Mali oo ah halka ay diiradda kooxaha Islaamiyiintu saaran tahay.

Madaxwaynaha ayaa waxaa lagu wargaliyay dilka labo askari oo ka dhacay dalka Mali markii weerar lagu qaadey Miino Taas oo ahayd mid lagu farsameeyey Gudaha dalkaas “ayuu lagu yidhi hadal laga soo saaray Madaxtooyada Faraans.

Wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska, Florence, ayaa sheegtay in askartu ay u adeegayeen laba guuto oo kalea iyada oo sheegtay in ay ku dhinteen “howlgal ballaadhan oo lagu baadhayo gobolka.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso