Gartay aan isaqoonsano waxanse garan waayay kula lihi..Q.1aad

     

Talo iyo toosin ayay xukuumada JSL uga baahantay shacabka ay xilka qaran u haysa.Sidaa darteed waxan taxanahan ku soo bandhigi doonaa talooyin iyo toosin aan isleeyahay meelahaas waxa ka jira qalooc ama u baahan saxitaan.

Maalmahan waxa dib loo soo celiyay hadal haynta wada hadaladii dawlada isku magacawda Federalka Somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland in dhowaan la amba qaado.Wada hadaladan oo ka curtay shirkii ingriiska lagu qabtay 2013 balse hakaday 2015kii.

Hadaan aragtidayda ka muwaadin aan idiin soo gudbiyo waxaan shirkaa ugu horeeyay u arkaayay:

Laba aragti oo aad u kala fog oo ay kala wateen:

1.Dawladaha reer galbeedka iyo dawladii ku meel gaadhka ahayd ee

   Somaliya oo ku heshiis ahaa dib u dhiska midnimada Somaliya.

2.Jamhuuriyada Somaliland oo baadi-goob ugu jirtay aqoonsi balse

   garan wayday ama aan ahmiyadba siinin ula jeedada laga lahaa

   shirkaa.

Aragtiyahaa kala fog ayay ka soo baxday in la yidhaa wada hadla,tani oo bustaha lagu saarayay aragtida siyaasadeed ee ay Jamhuuriyada Somaliland ku soo bandhigtay shirkaa.Taas oo ahayd JSL inay aduunka u cadayso in tahay dal madaxbanaan.Waxaanay siyaasada JSL ku noqotay laf dhuun gashay qorshahii midnimada ee ay wateen cidii shirka qabatay oo u food saartay dhaqaale loogu ururinaayay dib u dhiska iyo midnimada dawlad ku sheega Somaliya.

Kadibna si loo jiho habaabiyo siyaasada aqoon raadiska ah ee JSL ayaa la qorsheeyay Turkiga oo loo yaqaano inuu xoog saaro midnimada iyo isu haynta dalalka islaamka ah ayaa loo xulay dhexd-hexaadinta. Halkaas ayay ku qaloocatay dantay JSL ka lahayd wada hadalada,waxaanay isugu biyo shubatay inay shirarkii lagu qabtay Turkiga ka soo baxaan….

La Soco qaybaha danbe

 

   Xuseen X.BADMAAX

Hargeysa/JSL

4026100

Advertisement

Ku Xayeysiiso