Dhirta (Gabay Cusub) Abwaan Maxamuud Siciid Cali (Garaad)

Gabaygani waa gabay cusub oo dan guud ah oo uu tiriyey abwaan Maxamuud Siciid Cali (Garaad), waxana uu ku saabsan yahay dhirta. Waxa uu Maxamuud gabayga inoogu sheegayaa in ay dhirtu guud ahaan nolosheenna lagama maarmaan u tahay.
Waxa ay inaga celisaa dhaxanta, roobka iyo kulaylka. Waa dheef oo waa lagu noolaan karaa. Mar waa dawo, marna waa hanti oo dhaqaalaa laga sameeyaa. Mar kale aqallo iyo xerooyin ayeynu ka samaysannaa oo dad iyo duunyaba dugaagga iyo wax kasta oo amnigeenna halis ku noqon kara ayey deyr adag inooga noqotaa. Ugu danbayn na waa halkii talada ummadda lagu gorfeyn jiray oo golayaasha waayeelku geedaha hoostooda ayey ahaan jireen.
Arrimahaas ayuu abwaanku gabayga si farshaxan ah ugu qaadaa-dhigayaa. Dhirta muhimaddaas leh oo afar ku ah khayraadka ugu muhiimsan ee uu Ilaahay ummaddeenna ugu deeqay ee ay biyaha, hawada iyo xoolaha nooli ka mid yihiin ayey dadkeennu dhayalsadaan oo inta ay dab sudhaan ayey dhuxul iyo xaabo ka dhigaan. Mar uu dhib sidaas ah arkay ayuu gabaygani abwaanka ku dhashay, waxanu ku bilaabay sidatan:
1. Maansada nin loo soo dhigoo dhuuxay baan ahaye
2. Nin u dhuun-dalooloo murtida dhaadhiyaan ahaye
3. Dheexaan Rogaalaa tixdaan dhaaca leeyahaye
4. Caawana halkii dheelidaan dhiiri leeyahaye
5. Dhulka iyo ugbaad dheelintaan dhaada leeyahaye
6. Dhug u yeesha weedhaan dhilaa malaha dheeldheele

7. Dhirtu waa dhextaalkiyo qalbiga dhimaradiisiiye
8. Waa dhaayaheenniyo caqliga dhihitinkiisiiye
9. Waa hoyga lagu dhaato iyo dhuuxa aadmiga e
10. Hayeeshee i dhaawace waxaa kula dhaqmaysaane
11. Dhan wuxuu i go’ay maalintaa dhuxul u quudheene
12. Dhayal waxaa u saafteen wadnaha dhabannadiisiiye
13. Waa dhabarka biixida martoo dhamaci gaadhaaye
14. Waa dhiil janjeedhsaday waxaan dhab ugu jeedaaye
15. Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

16. Dheel iyo marbay kaa dudaa dhaxanta dayreede
17. Wakhti bay dhufays kaaga tahay dhibaha leylkiiye
18. Dhawrtiyo libaaxaan iyana kaaga soo dhicine
19. Dhurwaa aaduyoo soo dhigtay dhacani diidaaye
20. Dhag waxaa tidhaahdaa markay ooddu dheer tahaye
21. Hadduu dheeg dalleen yahay hurdaa kala dhaqaaqdaane
22. Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

23. Dhulka oo abaarsaday marbaad dheef ka gurataaye
24. Dhaameelka soo go’a marbaad dhereg ku gaadhaaye
25. Waqtibay dhinbiil yeelataa ubax dhalaalaaye
26. Waqtibaa dhurdaa hawray iyo dhocori jiiftaaye
27. Dhafaruur casaatiyo marbay midhaha dhiibtaaye
28. Gomoshaa dhilladay iyo marbay dhubuqi taallaaye
29. Iyadoo dhibaaddaa le baa dhalan-rogaysaane
30. Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

31. Beeyada marbaad dhaafsataa dheeman iyo luule
32. Markaasaad hantida loo dhintiyo mari ku dheeshaaye
33. Kolkaasaad irmaan dhiibsan iyo faras ku dheeshaaye
34. Markaasaad hablaa dhowran iyo dhudi ku doontaaye
35. Dhawr iyo markaasaad arbaca dhugo tidhaahdaaye
36. Kolkaasaad adduun lama dhigtee dhab ula looshaaye
37. Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

38. Aqalladan dhammuhu saaranyee dhidibka loo giijay
39. Ee dhuub fac wayn iyo kebdaha dhalada loo daayay
40. Ee dhigaha qoolaaban iyo udub-dhexaadkii leh
41. Hadduu waqalka lagu dhaygagaa dhigayo guudkooda
42. Oo dhaan negeeyiyo gudgude dhoolka kicinaayo
43. Oo mayay dharaartii da’aa dhibica sii daayo
44. Waa shay dhallaankiyo xifdiyey dhar iyo saabaane
45. Dhulkeenniyo wuxuu gaar u yahay dhiraha qaarkoode
46. Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

47. Dhiillo iyo haddii uu war xumi dhegaha soo gaadho
48. Oo dhiif colaad iyo dab kacay lagu dhawaaqaayo
49. Oo uu dhambaalkii ergada dhug isku soo siiyo
50. Laftoo dhalaw tidhaahdiyo haddii dhiig la kala gaadho
51. Oo dhimasho laga baaqsadoo dhaar la kala qaato
52. Waxaa loo dhaqaaqaa halkay gogoshu dhoobnayde
53. Haddaan dhaqanka geed loo helayn lama dhammeeyeene
54. Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene
Dhammaad

Gabayga waxa abwaanka ka qoray isla markaasna hordhaca u sameeyey:
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso