Daawo: Ra’iisalwasaare Xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Maxamud Guuleed Oo Muqdisho Kusoo Dhoweeyay Dhigiisa Turkiga

Mogadisho-(Togaherer) Ra’iisalwasaare xigeenka Soomaaliya Avv. Mahdi Maxamed Gulleid (Mahdi) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay wefti culus oo uu hogaaminayo Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Turkiga Md. Hakan Çavuşoğlu oo safar shaqo ku yimi Soomaaliya.

Weftigan Hakan Çavuşoğlu waxa qayb ka ah xubno ka tirsan dawlada Turkiga iyo maalqabeeno.

Ra’iisalwasaare xigeenka Soomaaliya ayaa usheegay inay gacmo furan kusoo dhoweynayaan ka dawlad ahaan Turkiga oo ah buu yidhi mid kamid ah saaxiibada ugu wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay Dunida, wuxuna xusay dedaalada dhankastaba ah ee Turkigu ku taageero Soomaaliya inay yihiin kuwa qaran ahaan ay abaal ugu hayaan.

Hakan Çavuşoğlu ku xigeenka Ra’iisalwasaaraha Turkiga oo isna hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay booqashadiisa Soomaaliya, wuxuna xusay in ujeedkooda koowaad yahay si ay u bixiyaan sawirka runta’a ee ah in Soomaaliya tahay meel nabad lana booqan karo, Mr Çavuşoğlu wuxu sheegay in Turkiga oo ah dal quwad ahaan dhisan oo xoogweyni Soomaaliya garab taagan yahay sidii ay uga bixi lahayd marxladaha kala gedisan ee ay mudada dheer lasoo rafiiqa ahayd.

Inta kadib Weftiga Ra’iisalwasaare xigeenka Turkiga ayaa usoo gudbay Gudaha Magaalada waxanay kulamo la yeelan saacadaha soo Socda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisalwasaare Khayre.

Advertisement

Ku Xayeysiiso