caafimaadka jidhka aadamiga oo lagaga shaqaysiiyo

jidh dhisku waa ka qayb fayaqabka qofka in la daaweeyo jimicsiyo daawo ah oo jidhka laga shaqaysiinayo Halkan waa mid ka mida goobaha Goobaha duugista iyo toobinka turqida irbadaha nerve phesoterapy center dr xerew oo runtii ka waxtar badan daawooyin aanu u baahnayn in la iska liqo had iyo goor sida qof buka oo jidhku is galay ama u baahan in laga shaqaysiiyo muruqyada iyo xididada jidhka uu ka kooban yahay looma baahna in qof kasta uu aamino in ay daawadiisu ku jirto daawooyin uu iska liqo ama uu ka iibsado pharmasi aanu fadhiyin dr daawooyinka oo hada ay sii kordhayso dhibaatooyinkoda caafimaad maadama ay sii badanayaan pharmasiyadi iyo rugahii caafimaadka oo noqday goobo ganacsi kadib markii ay luntay siyaasadii caafimaadka dawliga wasaarada caafimaadka waxa dhacay ama samaysmay khaladaad badan iyo waxyeelo caafimaad oo ka timid bulshadii oo noqotay bulsho ku isticmaasha daawooyinka maamul daro iyo talo la an caafimaad oo kasoo wajahday bahdii caafiimadka ay bidayeen aqoonta caafimaad sida drs nurses oo isku badalay ganacsato lacag raadis ah waxa samaysmay goobo iclaajyo kadib markii uu burburay siyaasadii caafimaadka dawliga waxa kordhay dhimashadii waxa buuxsamay cusbitaaladii dawliga iyo privites waxa batay xanuuno sida noocyada cancerka faaliga oo bulshadu u jiifto inta badan
Waxa jidhkii fayaqabay ku dhacay jimicsi la an waxa is banaday is xidhay howlahii shaqada jidhka muruqyada xidida ee ay ku gaadhsiin lahaayen wareega dhiiga sida qaybaha kale ee habdhiska kidhku ka kooban yahay
Waxa ay la kulmeen bulshadii talo khaldan iyo daawooyin xadbeel ah waxa suurto gal ahaan wayday in kalkaaliyaha caafimaadku uu waqti siiyo ogaanshaha xanuunka saxa ee bukuhu uu ka cabanaayo
Waxay isu badaleen goobahii caafimaadka goobo ganacsi waxa luntay tixgaalintii dhagaysigii qofka jiran

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com
0634130521

Advertisement

Ku Xayeysiiso