War-saxaafeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan $153.5 Million Doollar loogu talaggalay mashruuca xumbawayne masuuliintii lunsatay deeqdaas maxkamad la tiigsada qareenno madax mannaan

War-saxaafeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan $153.5 Million Doollar loogu talaggalay mashruuca xumbawayne masuuliintii lunsatay deeqdaas maxkamad la tiigsada qareenno madax mannaan

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Daallimiinta dadka biyo la,aanta baday ee mooday in ay u cuntamayso isuna haystay in ay bulshada xaqooda la baxsan karaan ee u badheedhay lacagta cadadkaas leh in ay la dhuuman karaan umadda xaqooda hayska soo celiyaan inta aanay ceeboobin oo aan iyaga ka foolxun sida ay yihiin maxkadda adduunk horteeda la soo taagin

Maxkamadda sare ee Somaliland

Masuuliinta waxaa u wanaagsan in ay xilka iska wada dhiibaan

Bulshada reer Somaliland wali may maqal masuul dawladda u shaqeeya

oo lagu soo eedeeyey hanti ummadeed oo uu lunsaday oo sharciga la hor keenay xilka kasta ha hayee

Waxaa iswaydiin leh masuuliinta maxkamada dalku sharciga dalka u yaalla ma danyarta iyo dadlka aan awoodda lahayn ayey u adeegsadaan waxaa u wanaagsan aanay cidina sharciga ka waynaan haddii ay ka baqanayaan ibna adam waxaa ka wayn Allah awoodda leh ee naftooda iyo arsaaqadooduba gacntiisa ku jirto ee ay kitaabkiisa ku dhaarteen.

Mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda hargaysa ee xumbayne

Sida ka muuqata shaxdan hoose

Mashruucaas waxaa u xilsaarnaa masuuliyiin ka mid ahaa dawladdii hore ee kulmiye waxaa muuqata in ay lunsadeen oo ay jeebkooda ku dhacday maaliyad xaddi badan oo lagu hay,adii bixiyey ku aammineen waanay la qabtay dawladdii xilku ka dhammaaday

Qof kasta oo Somalilandar ah xilbaa ka saran dalka ama debed ha joogo ama dalka ha joogaane waana la wada garanayaa dadkii hantida sidaas u badan lunsaday ama ku takri falay haddii caqligoodu siiyey in aanay ilaahay ka yaabin shaydaankuna tusay in ay dalkooda iyo ehelkoodaba boobaan waa dad liita oo aana dammiir nool lahayn.

Waxaanu soo jeedin lahayn Qodobbadan hoose.

1. Mar haddii sida haddii shaki la,aan aanu haba yaraatee aanu wax mada ahi ku jirin in ay dawladdii hore la qabtay dhibaatayinka shacabka masaakiinta ah ee ay harraadka ku dileen.

2. In qareenno ka madax bannaan dawladdan iyo tii horeba ay u oo reer Somaliland ahi u hawlgalaan sidii looga soo celin lahaa hantidaas caalamkii bixiyey isha ku wada hayaan.

3. In ay iska soo celiyaan deeqdaas way is ogyihiine bulshada harraddan ee aanay halkii ay u tudhi laheeyeen ummadaha kale ee ka qayb qaatay ay diir naxeen dalkuna aanu ka dhaxayn.

4. In aan lala sugin maxkamadaha dalka ee heer caalammi ah lagu dacweeyo mar haddii haydaha bixiyey caalami ahayeen.

5. Taas haddii ay dhacdo waxaa yaraan doona xatooya dambe oo dalka ka dhacda.

6. In ay culimada dalka u caqliceliyaan oo ay u midoobaan ilaalinta bulshada hantidooda iyo hantida ilaahay ummadaha ka siiyaba.

7. Dawladda hoose ee caasimadda waxaa ka muuqata kaa awood badni qorshena kuuma hayo waxaanay ku naaxeen dadka masaakiinta ah ee hantooda burburniyaan bilicda caasimaddu waa daruuri laakiin waxaa ka muuqata qorshe xumo iyo aqoon la,aan ay meel ku dejiyaan

8. Ha la badiyo cabsida ALLAAH INNA ABUURYA XAARAANTANA LAGA DHAWRSOONAADO.

Ha ku quudin ubadka allah kugu arsaaqay hanti umadeed si ay baarri kugu noqdaan haddii kale waxaad noqon dhibaato u jog sida aad immikaba tahay .

Noqo xalaal miirad ha daydayin risiq aan allah kuugu talaggalin ha kugu fillaato inta allah kuu qoondeeyey.

Lacagihii ku baxay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa iyo qaadhaan-bixiyaasha bixiyay:-

1- Dawladda imaaraadka carabta, waxay ku deeqday $30 Million

2- Midawga Yurub (EU) ayaa dawladda Somaliland ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo 4 Magaalo oo Caasimadu ku jirto.

3- Isla sannadkii 2011 Midowga Yurub (EU) waxay Somaliland ugu deeqday $64 Million oo loo qoondeeyay 9 Mashruuc oo ka ugu badan ahaa biyo-ballaadhinta Caasimadda oo dhan $8.5 Million dollar.

4- Qorshaha horumarinta Qaranka (SDF) waxa loo qoondeeyay 2012-2016 mashruuca biyo-ballaadhinta $28 Million oo dollar.

5- Dawladda Jarmalku waxa iyadana fidinta Biyaha Hargeysa ugu deeqday $23 Million oo dollar.

6- Shirkadda Coca-Colla ayaa iyaduna ugu deeqday $5 Million oo dollar biyo ballaadhinta Hargeysa.

7- Baanka Adduunku (WP) isna wuxuu ku deeqay lacag dhan $6 Million oo dollar.

8- Sanduuqa Horumarinta (SDF) ayaa haddana loogu soo shubay biyo fidinta Hargeysa lacag dhan $10.5 Million dollar.

9- Mar saddexaad waxa ay Midawga yurub (EU) ku yabooheen lacag dhan 15$ Million oo lagu dhamaystirayo mashruuca biyo gelinta Magaalada Hargeysa.

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso