Koonfurta Suudaan: Maleeshiyaad sii daayay duuliyayaal Kenyan ah ka dib Magdhaw

Mucaaradka Koonfurta Suudaan ayaa sii daayay laba duuliye oo Kenyan ah ka dib markii ay heleen magdhow loogu talogalay qoyska haweeney ku dhimatay markii ay diyaaradoodu burburtay bishii hore.

“Magdhow ka badan $ 100,000 ayaa la bixiyey” ayuu yidhi Ku xigeenka afhayeenka mucaaradka Sudan ee Liberation Army (SPLA), L. Paul Gabriel, isaga oo u sheegay Reuters.

“Waxaan hadda xaqiijinayaa in hoggaamiyayaasha maxaliga ah ee Akobo ay sii daayeen duuliyayaasha kadib markii ay heleen magdhow buuxa oo ka yimid ergada Kenya,” ayuu yidhi, “Tani ma aha madax-furasho, laakiin waa magdhow aanay dalban SPLA, laakiin waa magdhawga qoysaska dhibanayaasha iyo milkiilayaasha guryaha. Hadafkayagu iyo waxaanu samayanay waa keliyaata inaanu fududeeyno is-weydaarsiga iyo amaanka duuliyayaasha. ”

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegay in ay soo saari doonto bayaan ku saabsan arrintan.

Diyaaradda ayaa ku burburtay Akobo oo ku taal gobolka Upper Nile horraantii January, mucaaradkuna waxay u dalbadeen magdhow inay u helaan qoyska haweeney ku dhimatay iyo kuwo kale oo xoolahooda ku waayay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso