Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo khuseeya $153.5 Million Doollar wasiirka biyaha maxaa ka qaldan laba hadal oo aan is lahayn ayaa laga hayaa

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo khuseeya $153.5 Million Doollar wasiirka biyaha maxaa ka qaldan laba hadal oo aan is lahayn ayaa laga hayaa.

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

 

Wasiirka horumarinta  biyaha  mudane Saleebaan Cali koore oo ka tirsan dawladda cusub shacabka Somaliland uu ka filaayey in ay ahaato dawlad ka tayo wanaasanaata tii ka horrayasay waxaa uu warbaahinta la wadaagay oo uu yidhi mashruucii biyo ballaadhinta caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ee 1.Hargaysa in uu fashilmay lagana hayn biyo ku filan bulshada deggen ,waxaa kale oo uu sheegay in ay laba dhinac isku hayaan dhinaca la soo marinaayo labada dhinac dhinacna hore ayuu biyaha u heli jiray dhinacna waa oomanyahay waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in uu kaashaday aqoonyahan aan wasaaraddiisaba ka tirsanayn waxaa iswaydiin leh wasiirku isagu miyaanu aqoon u lahayn xilka culus ee lagu aamminay   2.waxaa kale oo uu raaciyey in ay dawladdii ka horray siyaasadaysay yacni  musuqmaasaqaday  wasiirku muu sheegin labada dhinac ee muranku ka dheexeeyo midka uu kaashaday labadaas dhinac waxay u baahanayihin dawlad dhex u noqota.

Sida ka muuqata qorshan hoose deeqha faraha badan ee dalka loogu deeqay wuxuu ahaa qorshe si dhab ah looga fiirsaday lagana baaraan degay wasiirku kamuu fiirasan in uu ahaa qorshani in uu ahaa mid muddo dheer la darsaayey intii aan lagu dhaqaaqin  arrintani waxay ceeb ku tahay dalka guudahaan waa haddii dalka loo tudhaayo waxaa kale oo ay niyad jab ku tahay hay,daha dhaqaalan hoose ku deeqay

Lacag dhan $153.5 Million Doollar oo loogu tabarucay ambaqaadka illaa dhamaystirka mashruuca biyo gelinta iyo ballaadhinta Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa haatan xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku dhawaaqday in uu fashilmay mashruucaasi oo soo socday tan iyo sannadkii 2011!.

Lacagihii ku baxay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa iyo qaadhaan-bixiyaasha bixiyay:-

1- Dawladda imaaraadka carabta, waxay ku deeqday $30 Million

2- Midawga Yurub (EU) ayaa dawladda Somaliland ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo 4 Magaalo oo Caasimadu ku jirto.

3- Isla sannadkii 2011 Midowga Yurub (EU) waxay Somaliland ugu deeqday $64 Million oo loo qoondeeyay 9 Mashruuc oo ka ugu badan ahaa biyo-ballaadhinta Caasimadda oo dhan $8.5 Million dollar.

4- Qorshaha horumarinta Qaranka (SDF) waxa loo qoondeeyay 2012-2016 mashruuca biyo-ballaadhinta $28 Million oo dollar.

5- Dawladda Jarmalku waxa iyadana fidinta Biyaha Hargeysa ugu deeqday $23 Million oo dollar.

6- Shirkadda Coca-Colla ayaa iyaduna ugu deeqday $5 Million oo dollar biyo ballaadhinta Hargeysa.

7- Baanka Adduunku (WP) isna wuxuu ku deeqay lacag dhan $6 Million oo dollar.

8- Sanduuqa Horumarinta (SDF) ayaa haddana loogu soo shubay biyo fidinta Hargeysa lacag dhan $10.5 Million dollar.

9- Mar saddexaad waxa ay Midawga yurub (EU) ku yabooheen lacag dhan 15$ Million oo lagu dhamaystirayo mashruuca biyo gelinta Magaalada Hargeysa.

Ha loo tudho dalka iyo sharaftiisa haddii kale ha la iska dhiibo hoggaamintiisa.

Adduunka laguma hayo caasimad dhicna biyaha beeraha lagu waraabiyo dhinacna lagu oomanyahay(caajiib)

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso