Shan Sano oo Rahman !

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu la wareegay dal rahman, xukuumaddi Xisbigiisa Kulmiye ee talada uga horraysay waxay sii dhaxashay guurto iyo ma-guurto hantidii qaranku lahaa, Soomaalilan waxay ka dhigeen selled madhan. Waxa la xaday muddo xileedkaa dhaqaale xaddi badan, dilaal iyo iib kii lagu helayba waaxo muhiim ahaa ayaa la gatay. Muuse dhammaan dhacdooyinka iyo hadimadaa la baday dalka qayb buu ka ahaa maragbu u ahaa, waxaana falay Xisbigiisa, maanta waxay hortaal xukuumadiisa.

Xukuumaddi Siilaanyo ee Xisbiga Kulmiye waxay dalka badday dhawaac iyo dhiig bax kabashadiisu adagtahay, waxay baabiiyeen nidaamkii dawladnimo iyo haayidihii dastuuriga ahaa, qaranku wuxuu ahaa toddoba gu’ naas irmaan oo qoloba dhinac ka haaneeddo. Waxa la wareejiyay dhammaan haayado muhiim u ahaa dhaqaalaha dalka oo cido gaara loo gacan geshay. Naafada dhaqaale ee ay ka tageen yeydii talada laga wareejiyay waata surbacaadkeeddi, sicir-bararkeed shacabka soomaalhaadsan yihiin.

Sannadaha madoobaa waxa is-nac, niyad jab, kala jeesi la baday shucuurtii muwaadiniinta isku jihada iyo jaalka ahaa ee hadhsanaayay hadhka qaranka, qabayaaladii aan la qarsan ee hoggaanku ku maamulaayay dalka. Waxa leexsaday dhaqaalaheeni oo malaayiin iyo balaayin doollar bangiyada dhigtay xidid iyo xigaal. Muuse waxa looga baahanyahay qorshe midayneed iyo maamul wanaag dub loogu soo cesho kalsoonida shacabka rejo beelka ah.

Kulmiyihii kal-hore iyo kan maanta aayahooda iyo ayaankoodu ummad kala irdhaynbuu ahaa, talada tollaay ayuu ku yimi, halkii kuma joojin oo iskuma toltolin qarankii dildilaacee weli waa jidkii qodoxda badnaa ee uu maray macallinkiisu dhabbada uu hayaanka wadaa mujaahidku. Talo qaran, wacyigelin iyo walaalayn hor leh ayaa inna hortaal.

Dhawaaqyada maamul goboleedada ragga ku dhawaaqayaa waa tallaabo aan loo baahnayn, horena umay dhici jirin badi, haddi ay sii socatana sumacd xumo waxay ku tahay dawladnimadeena. Muxaafad iyo mucaaridba waxa xil-weyne innaga saaran yahay qarannimadeenna. Xukuumaddana waxa xil ka saaran yahay iski haynta dadka iyo dalka.

Maxamed Siddiiq Dhamme

Advertisement

Ku Xayeysiiso