Diraasad muhiim ah : Ma soo saari karnaa orodyahan (athlete) Olympics guul ka keeni kara? Qaybta 1 aad W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

Waxaan marka hore hambalyo diirran u dirayaa dhalinyaradii kaalinta hore ka gashay Marathon kii dhowaan Hargeysa lagu qabtay. Waxaan kale oo aad ugu faraxsanahay in sideedaba la qabtay tartankaas oo Kale waayo wuxuu ka mid yahay isaga iyo orodada dhexe (middle distances) meelaha dhalinyaradeennu guul ka keeni karto marka la eego qaab dhismeedka jidhkooda ( body structure) iyo iyadoo la odhan karo waxay ka soo jeedaan Geeska Afrika oo tartamada noocaas ahi caan ku yihiin ama ay u khaas yihiinba. Maxaase ka dhexeeya orodyahannada Geeska Afrika ama dadka Soomaaliyeed si khaas ah iyo kuwa ka soo jeeda Waqoyiga Afrika sida Morocco iyo Algeria oo iyana caan ku ah orododa dhexe (qaybta 2 aad kala soco mawduucaas)?!
Horta malaga qaybgeli karaa tartamada Olympics iyadaan ictiraaf la haysan?

Jawaabtu iyadaan warwareeg lahayn waa HAA!

Ma aha markii ugu horraysay ee aan cid la waadago in laga qayb geli karo Olympics.

Markii London lagu qabtay Olympics sanadkii 2012 ayaan waxaan la yaabay dawladaha faraha badan ee ka qaybgalay oo qaar aan ictiraaf haysan, xittaa waxaa ka qayb qaattay dad madax banaan ( Independent Olympic Athletes ) oo calanka Olympics kaga qaybgalay. Waxaa ka qayb galay 204 dawladood iyo kayaan , halka dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ( United Nations-UN) ay yihiin 193 dawladood.

Olympics kii ugu dambeeyey ee lagu qabtay magaalada Rio De Janeiro ee ku taalla waddanka Brazil sanadkii 2016 iyana sidaas ayaa dawalado aan xubin UN ka ahayni ka qayb galeen. Inkasta oo aanan diraasad ka samayn sida tii 2012 kii oo aamn xagga hoose ku tilmaamay, haddana waxaa la xasuusanyahay inay ka qayb galeen dad madax banaan oo qaar qaxooti ahi ku jiraan sida gabadh waddanka Suuriya (Syria) u dhalatay oo kale oo bilo ka hor loo ogolaaday.

Waxaa adduunkii iyo dawladda iyo dadka Kuwait ba u qaadan waa ku noqotay in markii ugu horaysay qof si madax banaan uga qaybgalay, inuu tartan kaalinta koowaad ka galo. Nin Kuwait u dhashay oo la yidhaahdo Fahayd Aldiixaani فهيد الديحاني ayaa midaaliyad dahab ah ( gold medal) ku helay tartanka qori ridka ( shooting- double trap). Sababta keentay Fahayd inuu waddankiisa meteli kari waayo waxaa sababay in guddida Olympic ga ee Kuwait (Kuwaiti Olympic Committee) in laga saaro xubin nimada ay ku lahay ta adduunka ee Olympics maamusha ee la yidhaahdo
( International Olympic Committee-IOC) iyadoo ta Kuwait xad gudubyo ku tallaabsatay. Iyana waxaa jirtey Waddanka Koonfurta Sudan ( South Sudan) in laga diiday inay ka qayb gasho Olympics kii 2012 kii, waayo guddi Olympic ah weli malahayn iyadoo xornimada qaadatay 2011 kii oo diyaar garoobi kariweydey, waxyaalo badanina qabyo ka ahaayeen.

Diiraasad aan ka sameeyey Olympics 2012 oo aan mareegaha Somaliland qaar ka mid ah ku soo bandhigay iyo baraha bulshadu ku kulanto ayaa waxay soo jiidatay mas’uuliin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada oo ila soo xidhiidhay.

Waxaan Wasiirka u caddeeyey inay muhiim tahay in horta la sameeyo guddi waddani oo Olympic ah oo doorasho ku timaadda (Somaliland Olympic Committee) kadibna laga diiwaan geliyo guddida adduunka ee Olympics maamusha ee IOC, waxaan tusaale uga soo qaatay tii South Sudan ku dhacday iyo dawladaha aan ictiraafka haysan ee ka qaybgashay. Waxaan kale oo u caddeeyey Wasiirka in xoogga la saaro orodada dhexe iyo kuwa dhaadheer sida Marathon ka, waayo dhalinyarada waa u fududyihiin guulna waa ka gaadhi karaan marka la eego qaab dhiska jidhkoda iyo iyagoo Geeska Afrika ka soo jeeda. Waxay u baahanyihiin uun wax tababara oo ( techniques ) ga tusa. Waxaan u tilmaamay in la hiigsado Olympics ka lagu qaban doono magaalada Rio De Janeiro sanadaka 2016 oo dhalinyarda loo tababaro ( 4 sano ayaa la haystay waqtigaas). Waxaan Wasiirka u sawiray xeerka (charter) ka IOC oo dhiiri gelinaya qof walba oo xirfad isboorti leh, arrintuna ayna ku xidhnayn xuduud iyo ictiraaf ee qofka laga doonayo inuu keeno (qualifying record ) uu kaga qayb geli karo Olympics loo ogolaanayo, xittaa hadduuna dawlad metelayn, iyagaa ( IOC) ayaa wakiil u noqonaya. Laakiin inuu qofku Somaliland ka yimi cid waliba waa ogaanaysa indhaha caalamkana waa soo jiidanaysaa, waa haddii laga qaybgalo.

Waxaan filayaa in la sameeyey guddida Olympics ka ee Somaliland ( Somaliland Olympic Committee),laakiin inay sii jirto ma hubo ama shaqaysayba. Waxaan kale oo qurbaha ka dirnay dhalinyaro isboortiga ku xeeldheer oo aan Wasiirka isku xidhnay lana kulmay inkasta oo ay kubadda cagta khibrad u lahaayeen, waxayna xoogga saareen garoomada sidii roog lo dhigi laha loona hagaajin lahaa, waana laga faa’iday khibradoodii , waxaase weli maqan kaalintii orodada iyo sidii loo horumarin lahaa oo aan muhiim kollay anigu u arko. Su’aasha aynu is weyddiin karnaa waxa weeye Olympics soo socda ee magaalada Tokyo lagu qabandoono sanadka 2020 cid ma ka qayb gelin karnaa?

Waxaan u dhaafayaa arrintaas dadka ku xeel dheer tababarada orodada sida tababaraha caalamiga ah ee Jaamac Karaciin oo waddankii ku sugan waqtigan. Waxaanna rajeynayaa in khibraddiisa laga faa’idaysto.

…Lasoco qaybta 2 aad

Wabillaahi twfiiq

Maxamuud Ismaaciil Barreh
UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso