Xukuumadan hada jirtaa ma tahay tii ka mira dhalin lahayd wada hadalada Somaliland & somaila

Waxaynu lawada soconay inay jireen wadahadalo u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia, wadahadaladaas oo qorshaha ugu wayn ahaa sidii loo kala guran lahaa.

Xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa madaxwye silanyo oo ahayd xukuumadii bilowday wadahadalada kumaysan guulaysan inay ka mira dhaliso.

Dulucda hadalkaygu waxuu yahay xukuumadan hada jirtaa ma tahay mid ka mira dhalin kartaa wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia, mase tahay mid caalamka ku qancin karta aqoonsiga shacabkan doonayo.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan intii xukuumadan jirtay waxaa soo baxaya shaki badan.

Shakigaas waxuu ka dhashay markii wasiirka waxbarashada Somaliland uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay arimaha Somalia kazoo ku saabsanaa arimaha waxbarashada Somalia, intii xisbiga kulmiye talada dalka gacanta ku hayay waxaa xoogaystay ka qayb galka shirarka ka dhaca caalamka ee loo qabto dowlada federaalka Somalia.

Su aalaha la iswaydinaya waxay tahay wajiga ugu horeeya ee kulankan maxuu noqon karaa.

Somaliland se maxay ku dacwoonaysaa oo u qorshaysan, ma yihin dadka loo xuli doono wadahadalada kuwa ku adag qadiyada Somaliland, yaase dhex dhexaad ka noqon doona wadahadalada, shirarka laga qayb gali jiray  ee somalila hagi jirtay samayn intee la eg ayay ku yeelan karaan wadahadalada, xukuumadan ma tahay xukuumadii dalkan aan mashaariic siisan lahayn .

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan u arkaa inuusan waqtigan  muuqan in la helo aqoonsi buuxa waxaan u sabab ah xukuumadan hada jirtaa oo aan u diyaarsanayn ka mira dhalinta aqoonsi buuxa, laba arin meel ma wada galaan oo ah wax aynu kala goosano iyo aynu wada cuno dadka ina arki mayaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso