Waxqabadka Xawliga ku Socda ee Mudada Kooban uu Hirgaliyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi. Qaybta 2’AAD. W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.

Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi Oo ah Masuul Dhalinyaro ah oo ku Sifoobay Daacadnimo, Aqoon,  Karti, iyo  Waaya- aragnimo, Oo Xilka Wasaarada Loo Magacaabay 14. Dec. 2017,

Ayaa Mudadii Koobnayd ee ku sinayd Labada Bilood ee uu Hayay Xilka Wasaarada Maaliyada ayaa ku Talaabsaday  Waxqabad Muuqda oo Lataaban karo isla markaa wax ku ool ah oo Wasaarada Maaliyadana aan Hore uga jirin.

—————————————————————————————————–

 

  1. Md Yuusuf Maxamed Cabdi Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland si toos ah waxaa loo Sameeyay iyana Qaybta Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafada ee Wasaarada (Public relations and Media Department).
  2. Isagoo Wasiirku waaya Aragniimadiisa iyo Aqoontiisa kaashanaya waxaa uu Wasaarada Maaliyada Maaliyada u Sameeyay Nidaamka (E-malinig System) Hadka E-mail’ada kaasi oo Loogu Talagalay in Wasaarada lagala soo Xidhiidho Dhinaca Aduunka si toos ah iyadoo Hawshaasi ay Fulinayso Qaybta IT’ga ee Wasaarada oo iyana kor loo qaaday.
  3. Waxaa kale oo kamid waxqabad Badan ee uu Hirgaliyay Wasiirka Maaliyada Somaliland mudadii yarayd ee Xilka uu hayay Isagoo isku badal iyo Magacaabis ku sameeyay Shaqaalaha Waaxayaha kala duwan ee Wasaarada Maaliyada iyo Guud ahaan kuwa Kastamyada, Isagoo u raacaya Qodobo ku Qotoma Sharciga, iyadoo Xeerka Wasaarada Maaliyadu uu Dhigayo in Masuuliyiinta Haya Xilka Maamulida Kasmatada Wasaarada ee Cashuuraha Barrigu aanay joogi karayn Xilkana aanay hayn karayn isla markaana aanay Meel qudha joogi karaynin Muddo ka badan 6 bilood Si Shaqadu u dar dar gasho Musuq maasuqu u yaraado laysulana Xisaabtamo.
  4. Sidoo kale waxaa Xoojiyay qaybta Ka hortagga iyo la Dagaalanka Musuqa ee Wasaarada, Iyadoo la Joojiyay Account’yada gaarka ah ee Shaqsiyaadka iyo ku Wasaaradu ka Furtaan Baananka Iyadoo Xeerka Wasaarada Maaliyadu uu Dhigayo in Wasaarada Maaliyada Hanti dhawrka, iyo Xisaabiyaha Qaranku si wada jir ah ugu soo Furaan Wasaaradaha Account’yada si Wasaarada Maaliyadu uga War hayso iyadoo la Hooskeenay Wasaarada Maaliyada si ay arimahaa u Maamusho.

9.Qaybta World Bank’a Md Yuusuf Maxamed Cabdi  Waxaa kale oo iyana kamid ah  Waxqabadkiisa uu ka Hirgaliyay Wasaarada, Wasiirku waxaa uu kulan la qaatay isla markaana la Shiray Masuuliyiinta Baanka Aduunka iyo Haayada la Shaqeeya  ee kasii farcama, Waxaanay Balanqaadeen isla markaana laysla qaatay in Dardar galiyo Kastamyada Waaxyada Cashuuraha Barriga ee Wasaarada Maaliayda iyo la Sameeyo Mashaariicyo kala duwan oo waxtar u leh Qaranka Somaliland.

10.Wasaarada Horumarinta  Maaliyadu waxaa ay Dardar galisay isla markaana kor u qaaday lana  Xoojiyay Ururinta iyo Soo xaraynta Cashuuraha ku waajibay Bulshada Somaliland iyadoo la sameeyay Wacyigalin  badan, Si Bulshadu u Fahanto Cashuurtu inay tahay waxa Qaranku ku dhisan yahay Xiligeedana loogu bixiyo toos ah si Shacabku iyagu ay hadhaw u Munafacaad sadaan dibna loogu soo celiyo.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada JSL  Md Yuusuf Maxamed Cabdi  Ayaa ah Masuulka ugu Firfircoon Isla markaana ugu Waxqabadka Wanaagsan Golaha Wasiirada ee uu soo Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi marka la Qiimeeyo Mudada yare e Xilkaasi haya iyo Baaxada ay leeg tahay Waxqabadka uu Muujiyay.

Waxaana La Filayaa Dhawaan in Wax wayn uu Wasiirku ka qaban doono Sicir bararka ku Baahay Somaliland iyo Qiima dhaca ku Yimi Lacagta Shilinka Somaliland iyadoo Arimahaa Siyaasad iyo Qorsheyaal loo Dajiyay Go’aamo Horudhac ahna laga soo saaray Sidii loo Xakamayn lahaa Sicir bararka iyo Lacagta Qalaad ee Doolarka korna loogu qaadi lahaa Qiimaha Shilinka Somaliland iyo Lacagta dalku leeyahay. W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.

Email: Mawliidmarshal@gmail.com Tell 063-4129951  Hargeysa.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso