Suldaan Talliye Guuto Ah

Waxkastaaba way is badaleen oo waxay isku rogeen ( bil cagsi) ama rogaal `hadaba hadaan isku dayo in aan wax yar ka idhaahdo waxyaalaha aan arkay ee inagu soo badanaaya wakhtigan ay nu joogo waxaa ka mida SULDAAN TALIYE GUUTO
Wakhtiyadii hore waxay salaadiinta soomaalidu ay hormuud u ahaan jireen nabada iyo xasiloonida waxay had iyo jeer ka talin jireen wixii wanaaga iyo bulshada somalidu iyogoo caafimadqaba in ay isdhexqaadaan,balse hada salaadiinta maanta waxay noqdeen kuwo iskadaa inay bulsho xaqeeda iyo dhibaato lagu hayo ka hadlaane ee waxay noqdeen kuwo jifadooda ama sii caqaartooda uun ay istaadho

Waxay gabi ahaanba suldaanimadoodiii ku soo ururtay hadaanu nahay reer hebel oo ay TV yada laa taagnaadaan, kaaga sii darane waxay intaa ku darsadeen in laga dhigto gabaad oo qofka dhibaato u jeedaa uu noqdo meel uu gabaad ka dhigto isagoo dabada ka riixa hadba suldaanka ay isku sii caqaarta yihiin oo ku odhanayo hadaynu nahay reer hebel xaqeenii dawlada Kamaynaan helin ee waa in aad inooga doonto anagaa ku qarabtaagane

Xataa qofka dhib gaysta ee sharcigu soo xidho waxay sameeyaan inay sharciga la doodaan oo ay yidhaahdaan reer hebel ayaa loo jeedaa kii reer hebel ee caykasi sameeyayba lama soo xidhine ujeedo kale ayaa laga leeyahay reerkayaga, dabadeed fawdo ku kiciyaan nabadgalyadii iyo xasiloonidii islamar ahaantaana sharci yaala looga dulboodo suldaan hebelbaa caynkaasi yidhi
Hadaba maata bulshadu way is badaleen oo waxay noqdeen bulsho waaqici ah waayo markaad soo fadhisato meelaha layskugu yimaado ee shaaha laga cabo waxaad arkaysaa dhalinyaro ku sheekaysanaaya sulaadiina maahee yaa yidhaahda nabadgalyada hanaga khalkalinina mustaqbalkaygu mar buul lumee yaanuu mar labaad naga lumen, waxaasna waxa ugu wacan salaadiinta yar yar ee faraha badan ee iska soo daba baxaaya ee bilksta aad maqlayso suldaan hebel oo lagu caleema saaray meel heblaayo , way biyo dhacday suldaan nimadii, Waxaasiina wax kale maahee waa xukuumadaha xilalka lakala wareegaya ayaa ugu wacan sulaadiinta is barbaryaacaya

W/Q: Axmed Carafaad
Email:axmedcali144@gmil.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso