Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuca Ciidda iyo Biyo qabashada ee Dooxa Biji

Gabiley – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Maanta Daah-furtay Mashruuc soconaya muddo shan sannadood ah, kaasi oo uu Maalgelinayo Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW.

Mashruucan oo lagu Daah-furay Tuulada Lafta Boqor oo ka tirsan Degmada Gabiley ee Gobolka Gabiley, ayaa sidoo kale laga fulinayaa Deegaanno kale.

Mashruucan ayaa ah mid lagu daryeelayo Ciidda iyo Biyaha, waxaana si gaar ah wax loogaga qabanayaa deegaannada uu Nabaad-guurku ku dhacay, waxaana la doonayaa in Biyuhu dhulka ku hakadaan oo ay hoos u galaan isla-markaana Ciiddu Dib u hesho Nafaqadii ay kala tageen Daadadku, si Mustaqbalka looga sameeyo wax soo-saar baaxadle, maaddaama oo Qorshaha koowaad ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ku shaqaynaysaa yahay in la kobciyo Wax soo-saarka Dalka, taasi oo ahayd ballan-qaadkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku galay ololaha Doorashadii Dalka ka dhacday Sannadkii hore ee 2017-ka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hoggaaminayey Wefti ballaadhan oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta Hay’adda Mashruucan la soo mariyey, Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Beeraha Ibraahim Carab Ceelaabe, Madaxda Hay’adda Mashruucan la soo mariyey, Isku-duweyaasha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobollada Gabiley iyo Maroodi-jeex, ayaa intii ay ku sugnaayeen Lafta Boqor, waxay kulan la yeesheen Odayaasha deegaanka Lafta Boqor, waxay u faahfaahiyeen Mashruucaasi iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dalka, gaar ahaana deegaanka laga daah-furay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hadal u jeediyey Odayaasha Tuulada Lafta Boqor ee Mashruucan lagu Daah-furay, ayaa u soo jeediyey inay mashruucan sida ugu wanaagsan uga faa’idaystaan, maaddaama oo wax lagaga qabanayo Dhulka ay Cuntada kala soo baxayaan.

Guddoomiyaha Beeralayda Lafta Boqor iyo Xubno ku hadlay Magaca Odayaasha deegaankaas, ayaa soo dhaweeyay in Mashruuc soconaya shan sannadood laga fulinayo deegaankooda, si loogu daryeelo Dhulka ay wax soo-saarka ka samaynayaan.

Odayaashu waxay u Mahad-celinayeen Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo ay sheegeen in muddadii Masuuliyiinta cusub loo Magacaabay ay rejo badani gashay Beeralayda.

intaasi ka dib, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, Maayarka Gabiley iyo Masuuliyiintii la socday ayaa kormeer ku sameeyay Xarunta Kaydka Siidhka oo hore Wasaaradda Beeruhu uga hirgelisay duleedka Magaalada Gabiley iyo weliba goobo ka mid ah goobaha laga fulinayo Mashruucan lagu daryeelayo Biyaha iyo Ciidda ee Gobolka Gabiley.

ugu dambayn, Weftiga Agaasimaha Guud hoggaaminayey waxa hadhimo-sharafeed Magaalada Gabiley ugu sameeyay Maayarka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso