Gudaha Ka Eeg :Kulan Is Xog-Waraysi Ah Oo Lagu Darsayay Mashaarico Ay Hirgalisay Hay’adda SOMDA Oo Hargaysa Ka Qabsoomay .

Kulan aqoon is waydaarsi ah oo lagu darsayay mashaariico ay fulisay hay’adda SOMDA isla markaana ay hore u maal-galisay hay’adda DFID, iyadoo sidoo kalena xog-waran lagu siinayay Hay’adaha Terra-nova iyo ILRI ayaa  maanta ka qabsoomay Hargaysa .

Kulankan ayaa lagu lafa-gurayay Mashaarico hore looga hirgaliyay Dalka, oo ahaa xirfadaha lagu sameeyo Kuulaha iyo Saabuunta lagu maydho dharka, iyadoo laga sameenayo Lafaha Geela .

Waxaana Mashaaricdan hore u fuliyay Ha’adda SOMDA, iyaddoo immikana Hay’adaha Terra-nova iyo ILRI ay darsayeen hawlaha inta dhiman, isla markaana loo gudbinayay warbixino ku saabsan mashaaricaha hirgalay .

Waxaana kulankaasi kalmado ka jeediyay Gudoomiyaha Hay’adda SOMDA Siciid Ibraahim Faarax iyo khubaro kale oo ka socotay hay’adahaas .

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalka kulankan oo dhamaystiran .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso