Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan ma wasirka arrimaha dibadda mise waa guddoomiye Shirkad ganacsi?

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan ma wasirka arrimaha dibadda mise waa guddoomiye Shirkad ganacsi?

Ku: Golaha wakiillada Somalilanad

Ku: maxkadda dalka haddii aanay la qabin

Og: hay,adaha nabadsugidda

waxaa fajac iyo amakaag nagu noqotay arrin aan la filayn.

Oo ay ku kaceen masuuliinta dawladda jamhuuriydda Somaliland oo xilal culculus ka haya kuna kacay dambi ay qaranka ka galeen kuwaas oo kala ah labada masuul kalana ah mudane wasiiirka arrimaha dibadda  Sacad Cali Shire iyo safiirka u fadhiya dalka isutagga carabta mudane Baashe Cawil Cumar

labadan masuul waxay warbaahinta ka caddeeyeen in ay jirto shirkad lagu magcaabo,Somaliland Investment Company Limited

Waxaa soo raaca labada dumara ee kala ah marwadii hormadaxwanii hore marwo  Amina Waris iyo wasiiraddii hore ee maalidda marwo Samsam Adan Cabdi.

labada masuul kalana ah mudane wasiiirka arrimaha dibadda  Sacad Cali Shire iyo safiirka u fadhiya dalka isutagga carabta mudane Baashe Cawil Cumar ,waxay ku andicoodeen madaama Somaliland aanay ahayn dal aduunka laga aqoonsanyahay in ay shirkadda marin uga dhigeen.

Waxaa iswaydiin leh shirkaddu waxay sidata magacii dalka jamhuuriydda Somaliland isma qabanayaan,dalka lama aqoonsana haddana shirkaddana waxaa ka muuqda magaca dalka .

labada masuul waxay warbaahinta ka carrabaabeen in uu wax ka ogyahay madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mujaahid Muse Bixi Cabdi.

Arrintani waxay mucjiso ku tahay qaabdhismeedka dawladnimo.

 masuuliintani waxay ka soo hadheen wasiirradii fara ku tiriska ahaa ee madaxwaynuhu la soo hadhay.

Talo soo jeedin .

Somaliland Investment Company Limited, shakiga dhalisay la joojiyo,labada masuulna cadhuuftootada dib uga liqaan.in ay golaha wakiilladu arrinta go,aan ka soo saaraan .in ay maxkamadda dalku haddii aanay qabin wax ka iska waydiiso.In la ilaaliyo haykalka ama qaabdhimeedka  dawladnimo meel looga soo wada jeedo.In laga dhawrsoonaada tan oo kale in aanay dib u dhicin sharcina laga soo saaro faldambiyeedkan oo kale .In ay beelaha qaranka Somaliland meel uga soo wada jeedan ilaalinta qarannimadooda .In la badiyo cabsida Allah.

Hoggaamiye wuu tagay laakiin ciidu ma tagayso. 

Xoog laguma dagaallamo ee caqli ayaa lagu ciil baxaa .

Wax la walfay(la caadaystay) oo aan laga dhiman waa laga noqon kara waana laga waantoobi karaa.

caddaaldda ayaa ciil iyo cadhoba laga baxaa.

cadho walaal waa la bariiyaa.

labada xaqdarrada ku heshiisa xaqa ayey ku colloobaan.

inta aanad dhiman sharaf kala tag adduunka.

 

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso