NOLOSHA & CILMIGA CASRIGA AH

NOLOSHA & CILMIGA CASRIGA AH
(Find a better balance between Life and Technology)
Indho bururay labadooda baad bilig bilig ma daayaane
kol hadaan biriiq lagu arkayn waa barkuma taale ….
Erayadaa abwaankii lahaa ilaahay raali haka noqdee magiciisii ma hayo balse philosophy-ga uu aaminsanaa maanta iyo bari waa lagu shaqayn doonaa hadii alle idmo
Nolosha waxtarkeedu waxay u baahan tahay fahan iyo ficil, hibasha dareenka khusuusiga ah,kartida iyo fahanka rabaaniga ah, ee kula dhashay baaxaa daga dareen ee waayaha san iyo ka xunba,waa amaano alle imtixaanbaana ku hoos duugan waxaas oo awooda ah ee rabaaniga ahi waxaa suurta galiya iskuna xidhaa waa adiga iyo qofnimadaada oo dhamaystira nolosha jiritaankeeda, Gabayaa carbeed baa lahaa
“ؤمن ىتهيب سعؤدا الجبال يعيش ابدا من حفر” oo la micno ah “ninka ka baqa inuu koro buuraha dhaadheer waligii wuxuu ku noolaadaa hogaga hoose”
Mellenials waa eray lagu naanayso Jiilkii dhashay 1984 wixii ka danbeeyay waa xiligii cilmiga casriga ahi awoodiisu soo baxday eray ahaan waxaa uu ka farcamay Mellenium micno ahaanse waxaa loola jeedaa Jiilka danbe iyo wax soo saarkiisa, kalmadan waxaa buug uu qoray nin la yidhaa Simon sinek wuxuu si faahfaahsan uga hadlayaa isagoo waraysi siinaya barnaamij ka mid ah barnaamijyada afkaarta lagu wadaago, oo la yidhaa “Inside IQ Quest” wuxuu ka hadlayaa Jiilkani rabitaankooda iyo noloshooduba in saamayn wayni ku keeneen dabciga deegaanada ku xeeran iyo wacyiga nolosha qoysaskooda ama tababarka waalidkooda iyo cilmiga casriga ah ee tiknoolajigu biyo dhigay
Jiilka Danbe waxaa saamayn wayn ku yeeshay Qodobadan soo socda
1- Cilmiga casriga ah (Technology)
2- sabir la aan (Impatience)
3- Dabciga deegaanka ku xeeran (Enviroment)
1- (Find e better balance Life and Technology) (A chemical called Dopamine). Dopamine waa jawiga dareen ee keena inaad adoo faraxsan dhiiran aad la qabatinto isticmaalka sociol network waxaad la qabsanaysaa jawaabaha dad badan oo aad la xidhiidho salaantooda iyo wadaaga sheekooyinkooda joogtada ah, waxaad ogolaanaysaa inaad ka hesho refreshment ama relief hawlkasta oo kuu taalay qabyo badan ayaad la kulmaysaa, (Dopamine) waxaa laga helaa oo la mida ta balwada qaadka iyo khamriga laga helo hadaba Cilmiga casriga ahi wuxuu saameeyay noloshii caadiga ahayd gaar ahaan soomalida oo ah dad sheeko ku nool ah ayaa hadana noloshoodii waxaa kusoo kordhay 100 goobood oo kale oo jiifka iyo joogaba sheeko doon ah, aroortii marka la tooso waxaad hubinaysaa (comment,likes,messages) marxalad kasta waxaan si toosa ula wadaagayaa ilaa 6000 qof oo kale, ma xuma isticmaalka goobahani laakiin waxaa xun in aad waqtigaaga oo dhan siiso (every thing, too much is too bad, Eating food is good but eating food too much is too bad) Shirarka muhiimka ah waxaa lagu wada jiraa Facebook, snapchat,
xalku waxa weeyaan (Find a better balance Life and Technology).
2- Sabir la aan (impatience): waxay jiilkani ku noolyihiin nolol aan sal adag lahayn xaalad walba waxay kusoo koobaan waa ok ama caadi (Doesnot have a deep meaning form of building a real life) waxaa fudud in maanta aad bilawdo hawl natiijadeeduna aanad waqti siin ee isla bari aad rabto, sidii filimada ayaad 2 saac gudahood wax ku rabtaa (instant gratification) waxaa la rabaa in loo sabro guulaha nolosha oo u baahan waqti dheer sida qoys la dhiso,aqoon la korodhsado oo lagu helo darajo sarre.
(we have to work extra hard to figure out the ways that build a competence)
3- Deeganka (enviroment): waxay ku noolnahay deegaan dadkiisu ku xisaabtamaan tirada dad balse tayadooda aan qorshe ka lahayn,waxaynu nahay bulsho go-aanada maanta iyo bari si bilaa ikhtiyaar ah ugu tagri fala oo aan ka eegin mustaqbalka (The decision of today is life of tomorow/future),waxaynu nahay dad isu ooriya ama isu sacabo tuma oo aan naxariis badani dhexdooda oolin oo hadii caruuri xumaato aan u arkayn in isaguna kiisii xumaaday, waxaynu nahay bulsho xoogii rarnaa la cadilay oo loo cadilay xoog caafimaad qaba oo nolosha ka dhacay (shaxaad) noloshana la masruufo .
(we need to invest our time in real thing to challenge the world)
Waxaan kusoo koobayaa hidaha iyo ehliyada aynu kasoo jeednaa waa Nabiga csw iyo islaamka meelkasta haku noolaadee oo ahaa aduunka aasaasayaashii aqoonta (maadiga,diin ah) bal ku noqda taariikhda 750 miilaadiga ilaa 1100 oo ugu dhigan 350 sanno7 caalim oo midkiiba 50 sanno ahaa caalimkii ugu wanaagsanaa
1- Jaabir ibnu xayaan
2- Alkhawaarismi
3- Alraasi
4- Al mascuudi
5- Abil wafaa
6- Albayruuni
7- caamir khayaan
Waxay ahaayeen culamaa takhasus ku ah nolosha qayb kasta maaha Dr/Eng aqoonta qayb walba waxbay ka yaqaaneen waxay ahaayeen raggii aasaasay in la dajiyo Arithmetic Numbers 1 2 3 ee ilaa maanta Gaal iyo muslim wada isticmaalaan, waxay ahaayeen Foundations of knowledge Mathematicians,Physics,astronomy,Medical,Sociology, waxay ila tahay idinka iyo anigaba inaynaan nolosha rajadeeda soo koobin irbaddan inagu mudana ee chemical dopimine aynaan ku xisaabtamin ee aduunka tartanka yaala ka qayb noqono.
Qalinkii: Ahmedyasin Sh omar ahmed
Ahyaseen216@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso