Musow Morgan iska fogee ina aw Siciid iyo Sacad na iska qabo Ameer Cabdalle

Musow Morgan iska fogee ina aw Siciid iyo Sacad na iska qabo

Ameer Cabdalle

Madaxweyne Muse Biixi miyuu il-duufay markuu weli Baashe Cawil Morgan xukuuma diisa ku hayo mise dar-daarankii qoyskii Silaanyo ayaa sidaa ahaa oo uu fulinayaa. Morgan waa yarkii odhan jiray Muse Biixi markaannu gacanta u qaadno wuu ka jilic sanyay xabad beeda oo dhulka lagu sii daayo. Morgan waa shakhsiga Somaliland loogu necebyey ee Berbera dhaxal wareejiyey. Wasiirka arimaha dibadana Sacad Cali Shirre isna waa ninkii xukuumadii Silaanyo u sahlin jiray musuq maasuqa. Hadaba Muse Biixi hadii aannu doonayn in uu ka barto tuugada ha iska fogeeyo labadoodaba siiba Baashe Cawil Morgan. Maal qabeen Mohamed aw Siciid wuxuu isku dayaa in Muse Biixi dalka la xukumo isagoo uuga jeeda lacag badan baan kugu kharash gareeyey. Dhacdada uugu dambaysa ee Oodweyne laga soo xidhay laba xildhibaan iyo maayor ku xigeen waa arin khuseeya Cableka ina aw Siciid oo isagaa u dalbaday RRU. Dabeed waxa kacsan Oodweyne iyo Burcao taasina danta Muse Biixi kuma jirto in uu khilaafaad horle la kulmo. Iska qabo Musow dadka lagugu nacayo hadii kale wax isma dhaantaan xukuumadii Silaanyo ee la garan waayay cid wadanka xukunta. Musow adigu waad caafimaad qabtaa oo ambad lagamaa filayo hadaba dhiga u qor Morgan, Sacad iyo ina aw Siciid.

Ameercabdalla@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso