Halkee Trump ku dhuuman karaa haddii uu dhoco weerar nuyuukleer?

(Toogaherer)-Halkee Trump ku dhuuman karaa haddii uu dhoco weerar nuyuukleer?

Laga soo bilaabo madaxweyne Truman illaa kan hadda jooga ee Trump, madaxweynayaasha Maraykanka waxa ay heysteen god dhulka hoostiisa oo ay kaga gabadaan haddii uu dhoco weerar nuyuukleer ah.

Trump waxa god uga qodan qalciida Mar-a-Lago hoosteeda

Haddaba maxaa ku dhacaya taliyaha ciidammada qalabka sida haddii uu soo wajahanyahay weerarka hubka nuyuukleerka loo adeegsanayo?.

Meel ka mid ah meelaha uu gali karo waxaa ka mid ah god ka qodan Aqalka Cad hoostiisa oo la dhisay sanadkii 1950-kii, kaas oo leh difaacyo aad u adag.

Waxaa jirta meel kale oo ku taala buuraha Blue Ridge ee Virginia, waxaa kale oo uu si gaar ah u leeyahay god uga hoos qodan guriga uu ku leeyahay Florida ee Mar-a-Lago loo yaqaano. Iyo god kale oo hadda ka hor hubka lagu keydin jiray oo ku yaala xeebta West Palm Beach.

Godkan waxaa loo sameeyay Madaxweyne Kennedy

ida uu sheegayo ninka lagu magacaabo Robert Darling oo ka tirsan ciidammada Maraykanka, muddo saacado ahna ku qaatay godka Aqalka Cad weeraradii dhacay 2001-dii, waxaa jira dad yar oo loo ogolyahay in ay godkaasi galaan, loona arko in ay muhiim yihiin.

Waxa ay dadka u kala galayaan sida ay u kala darajo sareeyaan.

Daraasad ay Maraykanka sameeyeen ayaa waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 30% dadkii ku dhintay weerarkii nuyuukleerka ee Maraykanka ku qaaday magaalada Nagasaki ee Japan in ay badbaadi lahaayeen haddii ay heli lahaayeen meel gabbaad ah, sidaasi darteed dadka Maraykanka waxaa lagula taliyaa in ay samaystaan gabbaad dhulka hoostiisa ah.

Dowladda Maraykanka waxa ay guud ahaan dalkaas ka dhistay kumanaan godad ah oo qaarna loo dhisay shaqaalaha dowladda, qaarna loo dhisay shacabka, kuwaas oo la isticmaalayo haddii uu weerar dhoco, waxaana xitaa jirta hay’ad dhan oo u qaabilsan difaaca dadweynaha.

Dadka sida gaarka ah u dhistay godadka guryaha hoostooda waxaa ka mid ah haweenayda lagu magacaabi jiray Marjorie Merrinweather Post, waxayna ka dhistay qalcadeeda lagu magacaabo Mar-a-Lago, waxayna dhistay sanadkii 1950-kii markii uu socday dagaalkii Kuuriya, iyada oo baqdin ka qabtay in dagaalka uu Maraykanka soo gaaro.

Trump ayaa qalcadan iibsaday sanadkii 1985-tii, wuxuuna ku tilmaamay meel layaab leh oo aanan la heli karin iyada oo kale.

Xubnaha Aqalka Congress-ka waxaa la galinayaa god gabbaad ah oo ku yaala White Sulphur Springs, Virginia.

Waxaa jira god kale oo la dhisay sanadkii 1961-dii, looguna talogalay madaxweyne J F Kennedy, wuxuuna ku yaalaa saldhig ciidammadda badda ay leeyihiin oo ku yaala jasiiradda Peanut, una dhow Palm Beach, halkaas oo uu Kennedy guri ku lahaa.

Waxaa godkan lagu dhisay lacag $97,000 doolar sida lagu sheegay warbixin Aqalka Congress-ka uu soo bandhigay.

Kennedy ayaa godkan galay afar jeer, xiligaas oo uu samaynayay tijaabo ah sidii uu godka u gali lahaa haddii uu weerar dhoco.

Advertisement

Ku Xayeysiiso