Ayax teg eelna reeb ( Horaa loo soconayaa)

Wiil Gorgor

Ayax teg eelna reeb ( Horaa loo soconayaa)
Somaliland waa dalyar oo iskii u isu aqoonsan inuu yahay Jamhuuriyad . dalkan oo dhul ahaan ku fadhiya cabirka 137, 600 km2  una dhiganta (53,128 sq mi). waxaa ku nool dad lagu qiyaaso tiradiisa 3,508,180 sida ay xusayso tira koob hordhaca oo ay sameysa haya’dda la yiraahdo sanduuqda bulsshootinka aduunka (United Nations Population Fund).
Dadka reer Somaliland waxaa weli dhegahooda ka sii sanqadhaya xadgudubyadii iyo tacadiyadii ay kala kulmeen walaalahooda koonfurta Soomaaliya.
Haddaba su’aasha lays wediinayaa waxaa weeye. Maxaa sababay in siyaasiyiintii Somaliland ee xilligaasi lumiyaan xoriyadii dalkan iyo dadkani qaatay 26 Juun 1960kii?
Waxaan ka mid ahaa dadkii dhashay lixdanaadkii sanadihii ugu danbeeyey, waxaa garaadsaday iyadoo jahhruuriyada Soomaaliya Layna yiraahdo.
Waxaan u arkaa jawaabta su’aashani inay tahay, markii ay qabyaaladii iyo kooxaysigii geyiga Soomaaliland xadhkaha goosteen ee qolo qolo iyo jilib jilib loo kala fadhistay inay door bideen siyaasiyiintii xilligaasi inay bulshooyinka Somaliland ku dhaqan kala badbaadiyaan oo xoriyadii xamar loo raraan. Waxaa xilligaas yaraafday in aaminkii dadweynah dhexdiisa iyo Siyaasiyiintii xiligaas hogaaminaysay asxaabtiii siyaasada
Xoruyada maanta iyo neecowda yar ee aan haysno dadkani waxa uu u soo qashay diinka iyo caanqubta, dhiig badan ayaa u soo daatay. Halyeeyo badan ayaa godka u galay illahay how naxariistee . waay keliya oo u dhinteen waxay ahayd inay dadkoodu raaxada xoriyadda helaan.
Ilaahay mahadii 18kii May 1991, waxaa magaalada burco lagaga dhawaaqay dowladii ugu horaysay ee abid uu yeesho geyigani.
Waxaa madaxweyne loo doortay Cabdirxmaan Axmed Cali Tuur ,iyo madaxweyne ku xigeen Xasan Ciise Jaamac.
Dowladaasi ma shaqayn , mana gaadhan meel la taaban karo. Waxayse siihaysay magacii Somaliland
Cagba looma dhigine dowladaasi waxay ka socon wayday kooxdii calan casta la odhan jiray oo uu hogaaminayee Axmed Maxmed Maxamuud (Ayax Siilaanyo), Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed, Dayib Gurey, Cabdilaahi Darawal, Kornayl dhegaweyne iyo kuwa badan oo aan halka lagu soo koobi Karin..
Maanta oo dalkani sadex (3) doorasho madaxweyne la qabtay, Riyaale 2 jeer ayuu qabtay markii koowaad isgaa ku guulaystay , tii labadna diyaarba ma ahayn oo Ayax Siilanyo ayaa ku guulaystay .
tii ugu danbaysay weli xanafteedii iyo herigtii lays mariyey waxay xasuus badan ku yaalatay damiirka dadka . waxaan aad loo xasuusan karaa sidii hanfadanimda ahayd ee  komishan ku sheegii dalku wax u maamulay doorashadaas.
Waxaa dadweynuhu galeen diwaan gelin casri ah oo lagu qalay habka loo yaqaan (biometric system) ee akrinta indhaha iyo faraha. Sidii  dhacday intiinii codeysay , dhinicii loogu talagalay ba loolama baydhine dadku waxaa magacyadooda laga akhrinayey bug weyn oo la soo mal maluuqay.
Axsaab ku sheegtii xiligaas tartamaysay waxay ogaayeen meesha wax u socdaa, kamaba hadlin. Waayo inan aamuskaa lagu meheriyaa.
Faysal Cali Waraabe oo ah in taariikhda meel xun ka galay qarniga 22aad , isagu dantiisu waxay ahayd in sidan wax u dhacaan. Maalintii dhaweydna ilma yaxaaska ayuu daadinayey ,waa kii lahaa cidbaa la boobay iyo diwlad baa la riday kuwii ridayna Waa Muuse iyo Maxamed Kaahin
 Waxaa dhacday ku shubasho cad iyo in xoog lagu muquuniyey xisbigii wadani iyo taageerayaashiiba.
Nin baa yidhi cadaaba geeri baa ii kaday, kornaylada gacmahooda dhigii dadka reer Somaliland weli ka qoyan yahay, waxaa dadka u kaday Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi oo noqday in lagu murmo ma Kulmiyaa mise waa wadani keese waalan yahay, Maxuu rabay, Maxaa ka go’an.
Waxaa uu wax walba ka yeelay cid aan la aamin Karin marnaba inuu aamino qowlaysato iyo qowlaysato  isku xidhan, Madaxweynahii hore, Gudoonka baarlamaanka, Komishanka, Aqalka Guurtida. Ma anigaa waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa?!
Waxaa dalka laga dhawaaqay 13 kii bishii November 2017 in Muuse Biixi Cabdi kaga guulaystay Musharixinntii maqaarsaarka ahayd 80,000 oo Cod. Waxaa habeenkaas dhacay in xoog lagu maquuniyey dhalinyaro ka gadoodsan sida wax u dhaceen oo daacada. Waxaa dhintay tiro dhalinyaro ah, Sidoo kale waxaa dhaawacmay  caruur dhalinayaro iypo waayeel cidkasta leh oo aan loo aabo deyin!
Ayax teg eelna reeb, xanuunada maanta siilaanyo ka tegay ee aan xasuusta ka go’ayn  waxaa kamid ah qabyaaladii ayuu soo nooleeyey , eex iyo qaraabakiil, musuqmaasuq aan hore dunaida usoo marin iyo xanuunka ugu weyn ee layiraahdo Gashaanbuurta Jeegaanta….

Maanta maxaa la gudboon dadka ku nool Somaliland?
Waxaa la gudboon:-
o       In la qabto shirar badbaado qaran lagana taliyo masiirka Somaliland ta aan doonayno.
o       In dowladda ku sheegta maanta jirta lagala noqdo kalsoonida, maadaama ay aanay xalaal ku iman.
o       In la diido kala qaybinta bulshooyinka , degmooyinka, gobolada waxkasta oo keenayana laga fogaado.
o       Ina cidkasta oo maqaarsaar ah laga horyimaado sida madax ku sheegta  xisbiyada iyo madasha qaranka.
o       In ciidamada qaranku noqdaan dhexdhexaad sidii ciidamadii tuuniisiya ee xilligii kacdoonkii carabta, maadaama ay sitaan haybad qaran oo aanay koox iyo qabiiltoona raacin.

Hadii dadkaygiiyow talooyinkaas raacdaan waxaa badbaadaya qaranimda Somaliland. Waxaad ka badbaadi doontaa booraamiyihii Ayax Sillanyo inoo qodan ee ahaa.
Sanadkii 2009 kii Xisbiga kulmiye waxay kula shireen magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya Miss Jendayi Frazer oo ahayd kaaliyihii wasaarada arimaha dibadda u qaabilsanayd Afrika. Waxaa reer Kulmiye meel dhow laga tusay iyagoo madaxweyne aanay hawaysnayni horyaalo . talooyinkii loo soo jeediyey ee ay qaateen waa kuwan:
o       In Madaxweyne Dahir Riyaalo maraykanka iyo midowga yurub ka  horjoogsadaan inaanu ku soo noqon madaxtinimda dalka mar danbe.
o       In Sillanyo noqdo madaxweyne aan lala tartamin oo Somalailnd yeelato.
o       In Siilaanyo si buuxda uga midha dhaliyo riyada midnimada Soomaaliya.
Ayax Siilaanyo taladaas halkeedii buu dhigay waxaanu ka tegay dad is nacay oo leh gumaysi ayaa noo dhaama maanta Somaliland nimda.
Waxaa soo socda in si dhibyar xamar laynoogu celiyo, waad arkaysaa in Muuse Biixi boobkii iyo dulmigii uu umadda u geystay ku daraya inuu jabuuti oo cadowga koowaad ee Somaliland uu kula kulmayo Madaxweynaha Soomaaliya ‘’Maxmed Cabdulaahi Farmaajo’’
Muuse Biixi waxaa halhays u ah hora loo soconayaa! Waa shaxdii uu inoo dhigay Siillanyo.
 ninkii reer xamarka ahaa waxaa uu yidhi gadaal gadaal geed ma  loo koraa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso