Tehran Oo Iska Fogaysay inay Wax lug ah leedahay Ridida Diyaarada Dagaalka ee Yuhuuda!

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran ayaa iska fogeysay inay wax kaalin ah ku lahayd ridida diyaarada dagaalka Israel, waxayna ay diideen kaalin kasta oo ku aadan ridida Diyaarada Dagaal ee Israel.

Wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa sheegtay in joogitaanka Iran ee Suuriya uu ahaa la-taliye iyo codsi ka yimid xukuumadda Suuriya, iyada oo intaa ku datray in eedeymaha sheegaya in Iran ay rideen diyaarad ayna ka dambeysay ridida diyaarada Israel ay tahay mid qosol ah istaahilin inay ka faaloodaan.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in ciidanka Suuriya ay xaq u leeyihiin in ay difaacaan Suuriya si looga hortago weerar kasta oo dibadda ah, iyaga oo cadeeyey in Israel aysan dabooli karin gardarrada iyo dembiyada iyada oo loo marayo been abuur.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso