Madaarka Dubai oo Noqday Madaarka Caalamka ugu Mashquulka iyo Isticmaalka Badan!!!

Madaarka Caalamiga ah ee Dubai ayaa sii haysta Booskiisa madaarka caalamka ee ugu mashquulka badan socdaalka caalamiga ah sanadii 2017.

Madaarka Dubai ayaa sheegay war ay soo saareen Isniintii in safarka uu kor u kacay 5.5% sannadkiiba marka loo eego rakaabka 88.2 milyan, loo eego 83,6 milyan rakaabkii sannadkii hore.

Tani waa kobaca ugu hooseeya ee duulimada garoonka ilaa iyo 2009. Duulimaadada iyo rakaabka Dubai ayaa la filayaa sannad ka hor inay gaadhaan 89 milyan oo rakaab ah.

Garoomada Dubai ayaa filaya in kororka uu hoos ugu dhaco ilaa 2.4% sanadkan waxaana ay gaadhayaan 90.3 milyan oo rakaab ah.

Tirada rakaabka musaafiriinta Ruushka ee u safraya Dubai waxay kor u kacday boqolkiiba 28 ilaa 1.3 milyan, halka Shiinaha ay kor u kaceen boqolkiiba 19.4% ilaa 2.2 milyan sannadkii 2017, ka dib markii loo baahday fiisada dalxiisayaasha Ruushka ee sannadka 2017 iyo muwaadiniinta Shiinaha ee 2016.

Hase yeeshee, Hindiya ayaa sii Haysta cida ugu weyn ee isticmaalka garoonka diyaaradaha ee Dubai waxayna gaadhay 12.06 milyan oo rakaab ah, iyada oo kor u kacday 5.4%.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso