Xubnaha Aqalka Sare Ee Mareykanka Oo laalay Miisaaniyada Xukuumada Dalkaasi.

Hargeysa(Toggaherernews)-Xubnaha Aqalka sare ee Mareykanka oo laalay Miisaaniyada xukuumadiisa.

Dowladda Mareykanka ayaa wajaheysa inay shaqeyn waayaan dhammaan laamaheeda federaalka kaddib markii ay senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisaaniyada cusub.

Ma caddeyn halka uu codku u badan doono, maadaama muddada kama dambeysta ah ay ku ek tahay saqda dhexe ee xiliga waqtiga Mareykanka, iyada oo xubnaha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga ay ku kala qeybsameen arrimo muhiim ah.

Inkasta oo daqiiqadii ugu damebysay ay dhaceen kulama ay yeelanayeen labada dhinac, haddana miisaaniyada lagu maalgalinayo howlaha xukuumadda ilaa 16-ka bisha Febraayo ayaanan helin codadkii loo baahnaa ee 60-ka ahaa.

Irrin tan la mid ah oo lagu cuuryaamiyay howlaha xukuumadda ayaa dhacday sanadkii 2013-kii, waxa ayna taagneed 16 maalmood.

Xafiisyo badan oo dowladda ah ayaa haatan xirmi doono, haddii aanan la helin xal ka hor saqda dhexe xiliga Mareykanka, kolkaasi oo ku eg muddada miisaaniyada.

Haddiii ay dhacdo in howlaha xukuumadda ay joogsadaan, waxaa sii socon doono adeegyadda muhiimka ah sida amniga qaranka iyo maamulka hawada.

Saacado ka hor codeynta, ayaa madaxweyne Donald Trump waxaa ka muuqday rajo xumo, waxa uuna bartiisa tuwiiterka soo dhigay ” arrintan uma wanaagsana milatarigeena iyo amnigeena xili halis ay ka jirto xuduuda koonfureed”.

Trump ayaa sidoo kale ku casuumay hoggaamiyaha senetarada xisbiga Dimoqaraadiga Chuck Schumer, Aqalka Cad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay socdeen wadahadaladda miisaaniyada balse waxa ay ku guuldareysteen inay xal isla gaaraan.

Balse saacad kaddib, Mr Schumer, ayaa u sheegay werriyayaasha in “xoogaa horumar ah” lagu tallaabsaday, balse wali waxaa jira ” arrimo dhowr ah oo uu khilaaf ka jiro”, waxaana ka mid ah kala duwanaanshaha fikradaha ee la xiriirta waxyaabaha ay doonayaan xubnaha Dimoqaraadiga si loo kordhiyo muddada wadahadaladda illaa shan maalmood oo kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso