“Bahalkii Ilkaha laga Guray”. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Sooyaalku waa todobaatanaadkii, waxa uu dagaal ba’an iyo colaad siyaasadeed ka dhex oogan tahay dawladaha Somalia iyo Ethiopia. Labada dal na waxay ku jiraan diyaar garaw xooggaan oo iska caabbin ah. Warbaahintana waxaa ka socda ol’o’laha kicinta shacabka si qolo waliba waddanka u difaacdaan. Warsame iyo John Smith halkeer ayay ku dhacadiidaan laba fadhi oo ka unkan birta loo ya qaan “Silver” midabkeeduna aad u dhalaalayo, bilicdeeduna ka dhigtay kursiga ugu qiimaha sarreeya ee dhexyaalla baarkan ay fadhiyaan. Waxay isha ku hayaan fogaane-arag hor yaalla oo uu ka socdo falanqaynta dagaal ka daran ee u dhaxeeya Somalia iyo Ethiopia. 

John Smith, waa nin caddaana oo qaba gabadh somaliyeed oo uu adeer u yahay warsame. Waa maal qabeen muuq iyo magac ku leh waddanka Ingiriiska. Waa khamriyo cab. Warsame iyo John, waxa ay cabbaar is warsadaan oo sheekaystaan–John waxa uu  dalbaday  khamriga u qaalisan Baarkii  ay joogeen. Sakhrad iyo isbedel la soo dersay kadib, John waxaa uu Warsame u sheegay isaga oo hadalku kobo’kobo’ uga soo baxaayo, “Dhammaan dadka Afrika ku nooli waa cayayaan–oo annaga noo gama duwana dulinka beeraha laga ilaasho. Haddadan aan joogno haddaan haayo DDT (daawada cayayaanka) waan ku  cidhib tiri lahaa”. Warsame ayaa yidhi,”Waar heedhe naga xishood! Oo wax noola hadh. Seeddinimadii haddaad nagu tixgelin wayday, bal aadami nimada nagu ixtiraam”. Dhawr Jeerna waa uu ku celcliyey laakiinse, John  illeen waa nin sakhradaysane ogaal u ma laha waxaa uu ku dhawaaqayo. Warsame, ammin badan oo uu ku celceliyey ka dib, john oo maqiiqan ayaa sida bahalka haw ugu soo yidhi warsame–isla judhiiba waxa uu ka buuxsaday labada garab, eegga se waxa uu haddana qaniinyooyin kaga gamsiiyey labada dul oo uu xaabsaday. Halkaas waxaa buq soo  yidhi oo hafiyay dadkii; dheecaankii  iyo dhiigii ka gobo’ yidhi Warsame. Waxaa haddana la arkay John oo  dub iyo dacal dhiiga shalakhsanaaya. Buuq badan iyo boolis meesha ka soo xaadiray Warsame waxaa la geeyey cusbitaalka. Waxaa loo fidiyey daawayn iyo wixii la  haayey. Laakiinse,  cid kasta oo baarkaas joogtay iyo intii  ay maqaalo ku soo gaadhay dhacdadani: waxaa cindigoodu qaadan waayey in Warsame aadame cunay. Waxaa shicib iyo dawlad lagu soo gunaaday in John ilkaha laga guro illeen waa bahal laayaan ahe. Haddase, waxaa baroor iyo cataw qabsatay ooridii John oo ah soomaaliyad, iyada oo dalbanaysa in saygeeda ilkaha loo daayo.

Gunta iyo gebegebada, john waxaa laga guray dhammaan ilkihii, iyada oo lagu soo oogay dacwad ah inuu bahal dadcuna noqday, dabci argagaxsanna la soo ifbaxay oo waayaha dambe dhimasho horseedi karto  waxashnimadiisu.

Qalinkii: Sadam osman kaabash

Hargeisa, Somaliland

Degmada, Maxamed mooge

Advertisement

Ku Xayeysiiso