Shirkad Ammaan oo laga Xaday Dahab Gaadhay Qiyaastii $ 13 milyan!!!!!


Shixnad dahab ah qiimaheeduna yahay $ 13 milyan ayaa laga xaday shirkadda Brinks Security and Protection oo Maraykanka-na Fadhi ku leh, sida ay qortay wakaalada Reuters.

Tuugada ayaa dhacday 6-dii Diseembar, laakiin bayaanka shirkadu soo saartay ma sheegin meesha ay dhacdadu ka dhacday.

Waxayna intaa ku dartay in Baadhitaano socdaan macmiilkii lahaa Xoolahana loo magdhabay.

Shirkada ayay hore ugu dhacday tuugadan oo kale sannadkii 2013 markii ay tuug dharka booliska soo xidhatay oo ku hubaysan qoryaha automatic ah ay ka dhaceen Dheeman lagu qiyaasay $ 50 milyan gawaadhi Brinks ay lahayd garoonka diyaaradaha ee Brussels.

Brinks ayaa hantideeda lagu qiyaasaa lacag gaadhaysa $ 3.95 bilyan, macaamiisheedana waxa ka mid hay’ado maaliyadeed, dukaamo goobo ganacsi iyo bangiyada dhexe.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso