Sacuudi Carabiya. Qaraar cusub oo oggolaanaya Haweenku inay u safraan boqortooyada Iyaga oo aan Wadan Muxrim!!!

Sacuudi Carabiya ayaa go’aansatay in ay bixiso fiisooyinka dalxiisayaasha haweenka ajnabiga ah ee da’doodu ka weyn tahay 25 jir, iyada oo aanay wadan Muxrim waxayna gali karaan Sucuudiga, sida ay sheegtay ilo saxaafadeed.

Cumar Al-Mubarak, Agaasimaha Waaxda fiisooyinka ee Hay’adda Sucuudiga ee Dalxiiska iyo Hiddaha Qaranka, ayaa sheegay in fiisaha dalxiisku si gooni gooni ah loo soo saari doono oo uu noqon doono muddo 30 maalmood ah, taas oo ka duwan fiisooyinka shaqada, Hajj, Umrah iyo booqasho.

Sida laga soo xigtay ilaha, shuruucda cusub ee ku saabsan soo saarista fiisooyinka ayaa soo bixi doonaa rubuca hore ee sanadkan lagu jiro.

Waxaa xusid mudan in muddadii tijaabada ahayd ee soo-saarka fiisooyinka dalxiiska ee Sacuudi Carabiya intii u dhexeysay 2008 ilaa 2010, Boqortooyada Sucuudiga waxa booqatay 32 kun oo dalxiisayaal ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso