Ex Madaxweyne Siilaanyo Maxaa Lagu Xasuusan karaa

MADAXWEYNE SIILANYO MAXAA LAGU XASUUSANKARAA

Maxay dadka reer Somaliland u duudsiyaan taariikhda iyo xaqiiqada jirta ee wadanka,

ma dhaqan baynu u leenahay inaynu faanino qof aan kasban in la amaano,

ma qabyaalad baa horseeda inaynaan run ka sheegin madaxdeena,

ma aqoon la’aan baa waxa aynu u xusi waynay waxa inaga xumaaday wakhtiyadii la so dhaafay,

ma is maamuli karaa hadaynu sidan u jecelahay cadaalad darada.

Dawladii hada wakhtigedi dhamaaday waxaan aaminsanahay inay ahayd dawlad ina so marta tii ugu cadaalada xumayd uguna qabyaalada badnayd,

waxaa inoo muuqda waxay hanti ka samaysteen, ee aynu indhaheena ku arki karayno maanata, waxaa inoo muuqda siday dadkii u kala sareen ee ay qabyaaladu gaadhay meel aanay waligeed gaadhin, runtii uma baahna inaan arimahaas oo dhan magacaabo waayo saqiir iyo kabiir waa la wada ogyahay siday dawladii siilaanyo ugu tagri fashay hantidii dadweynaha,

Hadaba waxaa iga yaabisay oo aan ka aamusi kari wayay inaan ka hadlo, maxaa kalifay in habeen iyo maalinba TV yada lala soo fadhiyo madaxweyne Siilaayo wuxuu ahaa madaxweyne wax badan qabtay ama taariikhda ku suntan !!!!!

Dadka ma jaahilnimaa haysa, mise waxay ka tahay qabyaalad marka ay leeyihiin ma wado yar oo la dhisay u yaqaanan wax qabadka , marka guryaha ay dhisteen iyo Hutelada ay dhisteen ka qaalisanyihiin waxay dalka u qabteen oo dhan,

Ma anigaa waaln mise Cadan baa laga heesayaa, 

Waxay ila tahay inaynaan sidan ku noqonayn wadan , hadaynu noqonana waxaynu la mid noqonaynaa Djabuti oo qabiil isku maamusha ninkeliyina hantida wadanka ku tagri falo.

hadaba waxay aniga ila tahay in dawladii Siilayo lagu xasuusto Dawladii ugu musuq masuqa iyo qabyalada badnayd ee abid ina soo marta

Wabilahi Tawfiiq

Mohamud Jama

Advertisement

Ku Xayeysiiso