Israel oo ka dhisi doontaa in ka badan 1,222 unugyo cusub oo dejin ah Daanta Galbeed ee Falastiin!!!


Munadamada Nabada Hadda ayaa sheegtay in Israel ay ogolaatay in ay dhisto in ka badan 1,100 oo ah unugyada cusub ee deegamaynta ee Daanta Galbeed.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay iyada oo ka soo xigatay Munadamadan Yuhuuda ah in 1122 guriyo ah ay aqbaleen Arbacadii in la dhiso iyaga oo maraya marxalado kala duwan.

Waxayna ku dartay in 325 unugyo ay heleen oggolaanshihii ugu dambeeyay, Taas macneheedu waxaay ka dhigan tahay bilaabidda shaqada dhismaha, halka 770 kale oo kale la siiyey oggolaansho hore.

Israel ayaa ogolaatay 2017 in ay dhisto 6,072 unugyo guriyeyn ah, tirada ugu badan tan iyo sannadka 2013. Sannadka 2016, dhismaha lagu darayo 2,629 ayaa la oggolaaday.

Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka waxay u tixgeliyaan degsiimooyinka Israel ee ku yaala galbeedka West Bank, oo ay ku jiraan Bariga Qudus sharci darro ah.

Maamulkii madaxweyne Barack Obama si cad ayuu naqdiyay degsiimooyinka,halka maamulka Trumpoo xilka qabtay bishii Janaayo 2017 uu ka aamusay arrintan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso