UNICEF iyo Save the Children oo ku baaqey in la qaado tallaabo lagu caawinayo carruurta ay saameysey dhibaatadii ka dhalatey degsiimooyinkii barokacayaasha badan laga kiciyey ee Muqdisho,

MUQDISHO, 11 Jannaayo 2018 – Burburintii kediska ahayd ee dhowaan lagu sameeyey dhowr degsiimo aan rasmi ahayn oo ku yaalley daafaha Muqdisho, taas oo ay la socotey in si khasab ah looga kiciyey qoysaskii halkaa degganaa, ayaa saameyn aad u badan ku yeelatey carruurta, UNICEF iyo Save the Children ayaa sidaa sheegey maanta.

In ka badan 4000 qoys ayaa halkaa ku waayey wixii ay haysteen waxaana qaar badan ay maciishadahoodii ku waayeen intii ay socdeen falalkii 29kii iyo 30kii Disembar lagaga kicinayey dadkii degganaa 21 degsiimo oo ku yaalley Km13, degmada Kaxda. Dadkaa badidoodu waxaa ay ahaayeen haween iyo carruur oo halkaas soo degey bilo ka hor, kuwaas oo badanaa ka soo safrey meelo fogfog iyaga oo ka soo cararey abaar iyo colaad. Dadkaas ayaa halkaa laga kiciyey iyada oo aaney jirin wax wadatashi ah oo ka horreeyey. Codsiyo ay bulshada halkaa degganaa ku codsadeen in la siiyo waqti ay ku qaataan alaabtooda oo ay si amaan ah halkaa ugu banneeyaan ayaan dheg jalaq loo siin.

Carruur badan oo ku noolaa degsiimooyinkaa ayaa indhahooda ku arkey  burburintii ay rag hubeysan iyo baldoosarrada ay sameynayeen, iyaga oo markii hore ku waayey iskuulladooda iyo hoygooda, ka dibna buugtooda iyo wixii yaraa ee ay haysteen, ugu dambeyntiina ay ku kala lumeen carruurtii ay isku fasalka ahaayeen iyo saaxiibadooda.

Kicinta khasabka ah ayaa saameysey in ka badan 3000 carruur iskuul ah. Afar iskuul ayaa la burburiyey; Goob Carruurta u Wanaagsan oo carruurtu si amaan ah ugu helaan madadaalo, ciyaaro iyo waxbarasho dadban ayaa la burburiyey; sidaas oo kale ayaana loo buruburiyey goobo adeegyo siinayey dhibbanayaasha Tacaddiga Jinsiga Ku Dhisan.

Qoysaska halkaa laga kiciyey ayaa ku guurey iskuullo iyo dhismayaal bulshada ka dhexeeya oo ku yaalla xerooyinka kale ee barokacayaasha iyada oo qaar ka mid ah carruurta ay ku nool yihiin bannaanada ama waddooyinka, iyaga oo aan wax hoy ah haysan. Carruurta iyo qoysaskooda ayaa u baahan taageero degdeg ah oo ay ka mid yihiin adeegyo caafimaad iyo nafaqeyn, biyo nadiif ah iyo fayadhowr, iyo waxbarasho iyo taageero nafsaani ah si gacan looga siiyo ka soo kabashada dhaawaca ka soo gaarey dhibaatada qabsatey ee ay ku noqdeen dibad-yaal ayna ku waayeen wixii ay haysteen.

UNICEF iyo la-hawlgayaasha ayaa tallaabo degdeg ah qaadey, iyaga oo si ku-meelgaar ah biyo nadiif ah oo la cabbo u siiyey 2000 qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartey ah. Tallaabo ay degdeg u qaadeen guddiyada waxbarashada bulshada ayaa lagu badbaadiyey saddex iskuul, iyaga oo meel kale u guuriyey dhismayaashii iskuullada oo ahaa kuwo la guurin karo kuwaana ay hadda mar kale shaqeynayaan. Isla waqtigaana, laba iskuulladii la burburiyey ah ayaa dib looga dhisey degsiimooyin cusub. La-hawlgalayaasha UNICEF ayaa 35 carruur ah iyo afar qof oo dad waaweyn ah oo naafo ahaa dib ula mideeyey qoysaskooda, u dhimriyey tobbaneeyo carruur iyo dad waaweyn ah, oo taageero caafimaad siiyey 35 carruur ah. Wada-hawlgalayaasha nafaqada ayaa sii wada in ay adeegyo nolol-badbaadin ah gaarsiiyaan xarumo caafimaad oo dadka adeegga ugu geeyo degaannada cusub ee ay degeen qoysaska la barokiciyey.

Save the Children ayaa 400 qoys siineysa xirmooyin agabka aan cuntada ahayn ah oo ay ka mid yihiin bustayaal, bacaha fidsan, saabuunta dharka lagu dhaqo, marokaneecooyin, joodariyeyaasha lagu seexdo, oo 200 qoysna siineysa gargaar lacag kaash ah.

UNICEF iyo Save the Children waxaa ay maamullada ugu baaqayaan in ay hubiyaan in dhammaan carruurta ay dhibaatadu saameysey si buuxda loo taageero iyo in iyaga iyo qoysaskooda loo guuriyo degaanno amaan ah; iyo in laga hortago in iyada oo aan la sii ogeysiin xerooyinka barokacayaasha laga kiciyo dadka deggan.

###

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:

Susannah Price, Chief of Communication, UNICEF Somalia, +254 722 719867, sprice@unicef.org

Thomas Jepson-Lay, Humanitarian Director, Save the Children Somalia/Somaliland +254 780 522 870 Thomas.Lay@savethechildren.org

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso