Iskuul Yuhuudu leedahay oo Lagu weeraray Bambooyin ka Samaysan Quraarado Dalka Tunisia!!!!

Wakaalada Wararka Reuters ayaa soo warisay in lagu weeraray laguna tuuray Bambooyin ka samasyan Quraarado iskuul diimeed Yuhuudu leedahay oo ku yaala jasiiradda Tunisia ee Djerba habeenkii Arbacada intii lagu jiray mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay dalka.

“Dad aan la aqoonsan oo ka faa’iidaysanaya mashquulka bilayska ee dibad-baxyada ayaa bambooyin ka samasayn quraarado ololaya hoolka dugsiga Yuhuudda ee xaafadda weyn ee Djerba, laakiin may geysan wax khasaare ah,” ayuu yidhi Peres Trabelsi, oo ah madaxa Yuhuudda ee jasiiradda.

Iskudhacyo rabshado wata ayaa ka dhacay Salaasadii 20- Magaalo oo Tunisia ah dadkan ayaa ka soo horjeeda kor u kaca maciishada iyo canshuur kordhin cusub dibad-baxyadan ayaa wali socda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso