Ciyaaryahan Sucuudi oo Halis ugu jira inuu Xabsiga galo ka dib markii uu la yimid Qoob ka ciyaar Xilli uu dhaliyey Gool!!!


Ciyaartoyga Kooxda kubada cagta ee Al-Nujoom ee Saudi Arabia ayaa halis ugu jira inuu xabsi galo ka dib markii uu sameeyey qoob ka ciyaar isaga oo u dabaal degaya gool uu ka dhaliyey kooxda Al Wahda.

Sida ay baahisay bogga Sports Illustrated Xiddiga weerarka ka ciyaara ee keydka u ah kooxda Al-Nujoom ayaa u dabaaldagay goolkii uu kooxdiisa u saxeexay waxaanu sameeyay qoob ka ciyaara “Dab” oo mamnuuc ka ah dalka Sacuudi Carabiya sababtoo ah waxay tahay astaan qaadasho daroogada, taasoo ku keeni karta khatar ah in xabsiga la dhigo.

Dabaaldegga “dab” ayaa ah mid ka caan ah taageerayaasha kubadda cagta adduunka,

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogpa ayaa xiddig ku caan ah in marka uu Gool dhaliyo uu ku dabaal dego Qoob ka ciyaarkan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso