Shaqo Xishood Male W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid

Shaqo Xishood Male

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid

Waxa  sida la wada ogsoonyey dalkeena  somaliland  ka jirta shaqo yaraan  baahasan   taas  oo  sababtay in dhallinyaro  badan oo wax bartay  ay ka niyad jabaan marka ay wayaan wax ay ka shaqeeyaan oo ku taxaluqa  cilmigi ay soo barteen  marka kadibna ay u fikiraan  dhinacyo kale  sida in ay tahriibaan  in ay meelaha fadhi ku dirirka ah  ciyaraa aduunka ku falanqeeyan  in ay bilaaban balwado  iyo dhinacyo kale,

Hadaba iyada oo ay  taasi jirto hadana hadi dhankale loo fikiro  waxa la abuuri karaa  shaqooyin badan  oo ay ka xishoodan  dhallinyaradeena wax baratay ama jaamacadaha dhamaysatay ,

 

Waxana kamida abuurida ganacsiga yaryar sida dukaanada   ka shaqaynta kuuliga,  hudheelada,  maqaaxiya shaaha,  xamaalashada, beerashada khudaarta ,kaariga ,kirishboonimada,wastaadnimada, iyo qaar ka loo badan  

Inta badana waxa niyadooda ku jirta waa lagula yaabi hadii adoo heer jamacadeed ah aad kuuli ku kalahdo  taasna waxan odhan karaa bulshadeena ayaa sababtay waayo? Hadii wiil heer jaamacadeed ah ay ku arkaan isago  mudalab ah ama kuuli ah way ku qoslayaan  ama way la yaabayaan !   taasina sax maaha  hadii aad eegto aduunka waxa lagu waydiinaya “ma shaqaysaa” laakiin wadankeena somaliland waxa lagu waydiinayaa “maxaad ka shaqaysaa” taasina waxay  sababaysa in qofku sheegan kari waayo hadii shaqo hoose uu ka shaqeeyo, si kastaba ha noqotee shaqo xishood male.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid

Emil :Cabdiraxmaan800@gmail.com

Hargaysa  somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso