Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi Ka Jeediyey Kulankii Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku Dhaqan Dalka Jabuuti

Jabuuti(ToggaHerer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayo, ayaa kulan ballaadhan la qaatay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa ka hor intii aanay halkaas kasoo ambo bixin waxa ay habeenkii xalay kulan is-xog-waraysi ah oo ballaadhan la qaateen jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas ku dhaqan, waxaana uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi jaaliyadda la wadaagay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sidoo kalena uga mahadnaqay soo dhaweynta milgaha leh ee ay ku qaabileen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo jaaliyadda reer Somaliland u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa ugu horrayn si weyn u ammaanay soo dhaweynta baaxadda iyo shacabka iyo xukuumadda dalka Jabuuti ku qaabileen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu ku dheeraaday sida isugu lamaanaayeen shacabka labada dhinac kasoo jeedaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi Madaxweynuhu, “Waxa aan aad ugu mahadnaqaynaa Jaaliyada caawa xafladan soo abaabushay dadkii fikirkan lahaa ee soo dhaweyntan ka shaqeeyey iyo inta kasoo qeyb gashay aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, intaa ka dib soo dhaweyntan maanta iyo wada hadaladii iyo jawiga walaaltinimo ee muuqday oo farxad ah insha allaahu mustaqbalka dhaw mid ficil ah oo labada dal wax wada qabsadaan ay horumarka wadaagaan, hantida wadaagaan caqliga iyo fikirka wadaagaan, oo ay noqdaan walaalo isu hiiliya oo wax wada qabsada oo wada noolaada ilaahay idamkiisa, taasoo horeba u jirtay walaaltinimada iyo waxa laysu yahay iyo dadku waxay yihiin waa sii xoojinaynaa, da’ayarta waxaan u sheegayaa tusayaa Somaliland iyo Jabuuti waxay isu yihiin, Allaa yaa-arxam Xaaji Xasan Guuleed madaxweynihii koobaad ee Jabuuti wuxuu ku dhashay Geerisa oo Somaliland ah.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in mustaqbalka la noqdo laba dal oo deris-wadaag ah, isaga oo shacabka iyo madaxda reer Jabuutina uga mahadnaqay kaalintii ay ka geysteen halgankii hubaysnaa ee ururkii xornimo u dirirka ee SNM ay la garab galeen iyo kaalinta ay xukuumadda haatan jirta ee dalkaasi ka geysatay taakulaynta walaalaha tabaalaysan ee reer Soomaaliya, “Markaa walaalayaal dad isku mida iyo dal isku mida baynu nahay Insha Allaahu dhalinayradana waxa laysu yahay baynu barri, mustaqbalkana laba dal waxaynu ka dhigi dalal wadaaga hawsha fikirka iyo waxqabadka iyo wada noolaanshaha, iyadoo uu mid waliba yahay dawladiisii iyo xuduudkiisii iyo sharciyadiisii, waxaanu idinka balan qaadaynaa hadaad reer Jabuuti tihiin shicib iyo dawladd ba dhawr iyo labaatan sannadood ama Soddon ku dhawaad Soomaaliyadii hore oo la odhan jiray Soomaali Ribablik (Somali republic) oo hada noqotay  Somaliland iyo Soomaaliya ay dhibaato colaado iyo hawl ku jireen qolada koonfureed, Somaliland nabad ha ahaatee aanay tamar badan oo dhaqaale lahayn waxaanu uga mahadnaqaynaa reer Jabuuti walaalaha Soomaaliyeed meelay joogaanba siday u gacan qabteen iyo qofkastaa markuu Jabuuti yimaado uu dareemo inuu guri yimi, taasay dad iyo xukuumad ba ka siman yihiin, waxaa kale oo aan uga mahad naqayaa anigu waxaanu ahayn Jabhadii SNM waxaa makhraati ma doona Madaxweynahooda maanta jooga Janaraal Sakariye inay taageerada ugu badan ee nabadgelyo iyo nololba ahayd ay SNM ka geysteen iyaga iyo Shacbiga Jabuutiba waa taariikh aan la dafiri karayn, taariikhdu iyada is qorta waa wax ku dhegan taariikhda oo waa wixii laysu ahaa, taana Somaliland oo dhami maanta waa idiin haysaa, Somaliland oo markaa laga yaabo inay dhexdooda colaadi ka  jirtay markay ka heshiiyeen cidii usoo gurmatay nabadooda wax ka tartay iyo cidii halganka wax ka tartay markaa ay dagaalamayeen  waa la xasuusan yahay oo waa taariikh dadku waxay isu yihiin sheegaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madadaxweyne Muuse Biixi isaga oo sharraxaya kaalintii ay madaxda dalka Jabuuti ku lahaayeen dib-u-dhiskii Somaliland iyo nidaamintii kaabayaasha nolosha aas-aasiga ah waxa uu yidhi, “Waxaa kale oo aan idiin sheegayaa taariikhda da’ayarta markii aanu dalka soo galnay hadaanu SNM ahayn oo guri jirin oo raashin jirin oo aan biyo jirin oo Cisbitaal jirin oo meel Istaashin Booliis ahi jirin, oo meel tuuga iyo wax ka wada lagu xidhaa aanay jirin waftigii ugu horeeyey dal aanu tagno Jabuuti bay ahayd, Anniga, Duqsi iyo Cumar Boobe Xandule duqsi baa na hogaaminayey, Alle haw naxariiste Xaaji Xasan Guuleed baanu u tagnay wuxuu u ogalaaday markiiba maxaa idiinku daran buu yidhi biyo la cabo baanu nidhi Teenkii Geed deeble mishiinadii la geeyey halkan baanu ka qaadnay, mishiinkii u horeyey ee laydhka shiday Kambanigii la odhan jiray Soltelco isgaadhsiinta ugu horeeyey waxa uu ahaa Talefoonkii hore ee Jabuuti oo markaa la bedelaayey baanu maalintaana rarnay  waa taariikh taala iyo dadku waxay isu ahaayeen oo aan layga sheekaynayn aan goob joog ka ahaa anigu, waxaa ka horaysay marar badan oo Jabuuti dhibaato ka dhacday oo Hargeysi usoo gurmatay oo Lixdamaadkii ilaa iyo kasoo qaad tii Xarbi ilaa iyo kasoo qaad Buduryeelkii  markasta oo la jabo sidaasaa laysu ahaa dadku waxaas bay isu ahaayeen intaasi waa iga xasuus, walaalayaal waxaynu nahay maanta dad mida , xagga dhaqaalaha iyo horumarka Jabuuti maanta ku horaysa insha Allaah Soomaali oo dhana waydun u gurman kuwan soo sokeeya ee aad walalaha tihiina xoog baydun usoo gacan qaban doontaan.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso