Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Jabuuti

Jabuuti(ToggaHerer)Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti ayaa munaasibad soo dhaweyn ah oo ka dhacday hotelka Kempiski ugu sameeyay madaxweynaha Somaliland iyo waftigii la socday ee ku sugnaa dalka Jabuuti.

Jaaliyada reer Somaliland ee Jabuuti ku nool ayaa xaflad weyn oo aad loo soo agaasimay ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u danbeeyay safar ku joogey caasimda dalka Jabuuti madashaas oo ay soo camireen qaybaha kala duwan ee jaaliyada reer Somaliland iyo madaxda safaaradda Somaliland iyo Jabuuti.

Munaasibadan ayaa lagu soo bandhigey taageerada jaaliyadaasi u hayaan madaxweynaha Somaliland, iyadoo qaar ka mid ah hal abuurka iyo fanaaniinta Somaliland ay xafladaas ku soo bandhigeen suugaan kala duwan oo wadaniyada iyo horumarka ku saleysan.

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ugu horeyn munaasibadaas ka hadley ayaa iftiimiyay in ujeedada munaasibada loo qabtey ahayd in lagu soo dhaweeyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu ku dheeraaday doorka jaaliyada Somaliland ee Jabuuti ka ciyaartay horumarka Somaliland ka socda.

Safiirka Jabuuti u qaabilsan Somaliland Amb Xuseen Cabdilaahi Kawaaliye ayaa yidhi waa wadankii labaad jabuuti bulshada reer Jabuuti iyo Somaliland waa dad walaalo ah oo nolol wanaagsani ka dhaxeyso xidhiidh weyna lahaa mustaqbalkana way ka sii wanaagsanaan doontaa iskaashiga labada wadan.

Qaar ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee ku nool Jabuuti oo goobtaas ka hadlay ayaa isaga daba maray in ay ku faraxsan yihiin in ay qaabileen madaxweynahooda waxanay balan qaadeen in ay ka sii shaqeyn doonaan sidii Somaliland guulo wax ku ool ah u gaadhi lahayd iyagoo iftiimiyay sida Jabuuti, Somaliland u garab taagan tahay.

Wasiirada wasaaradaha arimaha dibeda Dr Sacada Cali Shire waxbarashada iyo Sayniska Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Cadaalada, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo qayb ka ahaa waftiga madaxweynaha Somaliland ayaa dhankooda ka mahadceliyay sida jaaliyadani isku soo agaasintay marti qaadkana ugu fidiyeen waxaaney ku dheeraadeen sida jaaliyada dibadu Somaliland horumarinteeda qaybta weyn ugu leeyihiin had iyo jeerna uga shaqeeyaan danta guud ee qaranka.

Madaxeynaha Somaliland, mudane Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xafladaasi soo gunaanaday ayaa u mahadceliyay jaaliyadan isagoo ku bogaadiyay isku xidhnaantooda iyo qorshayaasha ay ku taageeraan dalkoodii hooyo waxaanu madaxweyne Muuse Biixi ka sheekeeyay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxeeyay dalalka Somaliland iyo Jabuuti isagoo dul istaagay markii Somaliland dib ula soo noqotey madaxbanaanideeda in meelihii kaalmooyinkii ugu horeysay ay ka heshay ay Jabuuti ka mid ahayd.

Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Jabuuti ayaa hadyado qiimo badan gudoonsiiyay madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Advertisement

Ku Xayeysiiso