Iran oo Mamnuucday In Wax lagu Barto luuqadaha shisheeye dugsiyada hoose ee Dalka!!!

Wasaaradda Waxbarashada Iran ay soo saartay tilmaamo lagu mamnuucayo luuqadaha shisheeye in lagu dhigo dugsiyada hoose taas oo lagu sheegay dhiirigelin luqadda Faarisiga.

Mehdi Nwaid Adham oo ah madaxa Golaha Sare ee Waxbarashada iyo tarbiyada Wasaaradda Waxbarashada ee Iran, ayaa sheegay in barashada luqadaha ajnebiga ah oo ay ku jiraan Ingiriisiga laga mamnuucay dugsiyada hoose ee dalka haday tahay saacadaha shaqada iyo saacadaha dibadda-ba.

“Nasiib daro, waxaan arkaynaa in dugsiyo hoose qaarkood ay qabanqaabiyaan fasalo aan caadi aheyn oo ay ku baraan Ingiriisida si ay u helaan lacag taas waa la mamnuucay,” ayuu Adham ku yidhi wareysi uu la yeeshay telefishanka dawladdu.

Waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Waxbarashadu inta lagu jiro xilliga aasaasiga ah ay tahay in la xoojiyo luuqadda Faarisiga iyo dhaqanka Iiraan ee Muslimka ah ardayda, iyo in luuqadaha ajnebiga ah inta lagu jiro marxaladda koowaad la mamnuuco iyadoo loo ogolaanayo tan iyo sanadka koowaad ee dugsiyada dhexe.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso