Falanqayn Buuga cusub ee aduunka qabsaday “Fire and Fury inside the The trump white house Book”

Falanqayn Buuga cusub ee aduunka qabsaday “Fire and Fury inside the The trump white house Book”

Buuga ugu iibka badan suuqa aduunka maanta magiciisana la yidhaahdo “Fire and Fury inside the Trump white house” waxaan isagoo pdf ah ka akhriyay Note-ka qoraaga ama introduction-ka buuga.

 

 

Fire and Fury waxaa qoray nin la yidhaahdo  MICHEAL WOLF buugani wuxuu ka kooban yahay 22 mawduuc wuxuu kaga hadlayaa interview uu ka qaaday dad la shaqeeya donal trump si uu u ogaado go-aanada uu gaadho ee u muuqda mid dadkii reer maraykan kala qaybinaya, waa sida qoraagu udhigayee ayuu baadhitaan ku sameeyay shaqaalihii uu eryay wuxuu ku tilmaamayaa childish mind maskax caruureed inuu leeyahay, balse ninkan xili la waraysanay ayaa la weydiiyay ma la kulantay madaxweynaha?
wuxuu ku jawaabay xiligii kaambaynka ayaan la kulmay 3 saacadood ayaan la fadhiyay, buuga inta qodob ee uu ka hadlayaana waa 500 ee cisho ee uu madaxweynaha ahaa Donul trump,waxay u eegtahay wax la isla ogyahay in la baahiyo markaan aragtidayda ku qeexo.

si ummada loo jiheeyo waa in run ta iyo beenta la isu qooshaa ilaa heer waxaad rumaysataba aad waydo,nidaamka cusub ee labada waji ayuu Madaxweyne Trump ugu wanqalay ilaa xiligii lasoo doortay Dawladda maraykanku waxay leedahay nidaam adag oo ilaaliya shuruucdeeda madaxweyne trump lagama yaabo inuu jarkale ka talaabo balse waa jiilaa wuxuuna leexinayaa diirada qarnigan maraykan saaran si uu usii wado jihaynta cusub ayuu wuxuu soo saartay qorayaal sii anba qaada siyaasadan isu qooshan

Siyaasadii shuuciyada ayaa waxaa ugu muhiimsanaa wasaarada probaganda- waxaa umadda lagu khasbay 2+2=5 waa la jiheeyay dadkiina waa lagu barbaariyay waxay siyaasadani ku dhisnayd in dadka lagu baahiyo warar khaldan oo jihada ka leexiya, sidoo kale maraykanku wuxuu isna qaadayaa talaabadii shuuciyada mid lamid ah.

 

Been iyo run isu qooshan aduun wada Conspiracy ah xaqiiqadii ayaa la luminayaa .

“Aragtidan waa ii khaas”

W/Q:Ahmedyasin Sh cumar Ahmed Furre

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso